Puntland oo soo saartay amar ka dhan ah ajaaniibta ka howlgala deegaanadeeda

Garowe (Caasimada Online) – War saxaafadeed kasoo baxa Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa amar kasoo saartay shaqaalaha ajaaniibta ee ka howlgala deegaanada maamulka Puntland.

War-Saxaafadeedka ayaa dhammaan waxaa lagu amray shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala deegaannada Puntland, in ay mudda bil gudaheed ah ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda oo dhameystiran.

Waxaa kale oo ay Puntland amar dul dhigtay loo shaqeeyayaasha oo ay ku amartay in muddo bil gudaheed ah ku gudbiyaan xogta shaqaalaha si ay ula socoto Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com