Muuse Suudi iyo Xaaf oo laba qodob ku heshiiyey

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kulan gaar ah magaaladaasi ay ku yeesheen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Kulankaasi oo ahaa mid looga hadlayay xaaladaha guud ah ee dalka ayaa labada dhinac waxay isku soo hadal qaadeen xaaladaha dhanka amaanka iyo kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Garowe.

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku amaanay madaxweynaha Galmudug doorka iyo garab istaagiisa ku aadan raadinta maqaamka Muqdisho, waxaana uu sheegay in Xaaf uu doorweyn ku leeyahay arintaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in mar walbaa uu yahay madaxweyne ka hadla maqaamka magaalada Muqdisho.

Qadiyada maqaamka Caasimadda oo kamid aheyd ajendayaashi la isku mari-waayey kulankii wada-tashiga ahaa Ee dhawaan Garoowe ku dhex-maray Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada dalka, ayuu sheegay in Xaaf uu ahaa dadkii sida weyn ugu ololeynayay.

Inta lagu guda jiray kulankooda ayaa waxaa ay isku raaceen in la adkeeyo arrinta ku aadan maqaamka Caasimadda oo weli dowladda Soomaaliya aysan go’aan rasmi ah ka gaarin, isla markaana tira ka dhowr jeer khilaaf xoogan dhalisay.

Sidoo kale waxay isku raaceen in laga ada shaqeeyo danaha umadda Soomaaliyeed.

Muuse Suudi ayaa xurguf waxay dhex martay dowladda Soomaaliya, kadib afar kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow, kaasi oo ahaa in laga baxo dhismaha xaruntii ciidamada Badda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com