Puntland oo soo saartay qodob kasii daraya xiisada kala dhaxeysa Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii golaha wasiirada maamulka Puntland ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas, ayaa laga soo saaray qodobo kasii daraya xiisadda maamulkaas kala dhaxeya maamulka Somaliland.

Hoos ka aqriso qoraalka shirka laga soo saaray:-

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday deegaamada Puntland iyo Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday Deegaamada Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday duulaanka lagu soo qaaday Puntland iyo caburinta iyo xariga joogtada ah ee lagu hayo shacabka degmada Laasnaacood, sidoo kale waxay goluhu u sheegeen guud ahaan  shacabweynaha Puntland  in duulaan lagu hayo dalkooda iyo jiritaan-kooda loona baahan yahay inay garab istaagaan Dawladdooda iyo ciidamadooda u taagan difaaca dhulkooda.

Sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay  duulaanka lagu soo qaaday Puntland inaan laga faa’iidi-doonin, isla’ markaana Puntland ay soo celin-doonto dhammaan deegaamada ka maqan, wuxuuna goluhu ku celiyay dhibaatada loo geystey shacabka Laascaanood in  uu mas’uuliyadeeda qaadi-doono Maamulka Hargeysa.

Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa  sheegay in loo baahan yahay hannaan garsoor  oo  Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya  awoodaha federaalka iyo mida  Maamulada dalka ka jira, isla’ markaana ka madax-bannaan hay’addaha fulinta dalka, waxayna wasaaradda cadaaladdu u qeybisay golaha xukuumaddaqabyo qoraal  ay goluhu ka doodi—doonaan todobaadka ka dambe.