25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Puntland oo Is-beddeshay: Heshiiskii Addis-Ababa, waan taageereynaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Puntland ayaa tageerey heshiiskii dhowaan ku gaareen magaalada Addis Ababa maamulka Jubba iyo dowlada Federaalka.

Puntland ayaa sheegtay inay qaadatay go’aanka kadib markii shalay Sept 1, 2013 kulan saacado badan socdey ku wada qaateen magaalada Nairobi wafti ay kala hogaaminayaan hogaamiyaha  maamulka Jubba iyo Madaxweynaha dowladda Puntland.

Waxaa kullanka uu yimid ayada oo horey madaxweynaha Puntland Faroole uu sheegay inuusan taageersaneyn heshiis.a

Warsaxfadeedkaan ayaa waxaa ku xusan in dowlada Puntland tageereyso go’aan walba oo xal loogu gaarayo arrimaha murugsan ee Somalia.

Halkan ka akhri warsaxafadeedka waxaa uu qoran yahay sidatan: 

Dowladda Puntland Waxay Soo Dhoweynaysaa Heshiiskii ay Wada Saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Jubaland

WAR SAXAAFADEED

Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa Heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Jubaland, heshiis kaasoo qeexaya nidaamka maamulka iyo dowladnimada oo waafaqsan Dastuurkii Federaalka Soomaaliya oo lagu wada heshiiyay.

Puntland waxay ammaan usoo jeedinaysaa labada Wafdi ee Soomaaliyeed oo ka qeybqaatay wada-hadalo miro dhal ah, iyagoo ku midaysan helitaanka Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka, midnimada iyo dimuqraadiyadda.

Maanta waxaa magaalada Nairobi kulan ku yeeshay wafdiga Dowladda Puntland uu hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole iyo wafdiga Jubaland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe), iyadoo shirkaasi looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta u dhaxeeya Puntland iyo Jubaland iyo sidii loo taageeri lahaa heshiiska cusub oo maamul la wada aqoonsanyahay u dhisaya gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, ee koonfurta Soomaaliya.

Puntland waxay aqoonsantahay ayna ammaanaysaa doorkii muhiimka ahaa ay ciyaartay Dowladda Ethiopia oo ah Gudoonka Urur-goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka, oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, oo fududeeyey wadahadaladii ka socday muddo todobaad ah magaalada Addis Ababa.

Puntland waxay diyaar u tahay inay ka caawiso maamulka Jubaland dhisida hey’daha dowliga ah waxayna Puntland mowqifkeedu yahay inay taageerto wadahadalo siyaasadeed, dib u heshiisiin Qaran iyo cadaalad, iyo dowlad-wanaag si loo hormariyo nabadeynta dalka Soomaaliya.

— DHAMMAAD —

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News