PUNTLAND oo toogasho wadareed ku fulisay 21 qof

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey llaa 21 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay horey xukun dil ah ugu ridday maxkamadda ciidamada maamulkaasi oo go’aan ka gaartay kiiskooda.

Xubnaha la toogtay oo dhammaan rag ah ayaa waxaa ay ahaayeen shabakado isku xirnaa oo ay Puntland ku eedeysay inay dad badan ku dileen magaalooyinka maamulkaasi.

Toogashada ayaa ka kala dhacday Gaalkacyo oo lagu dilay 18 xubnood, Garoowe oo lagu toogtay labo xubnood iyo xubin kale oo lagu toogtay magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Sidoo kale ragga la toogtay waxaa ku jiray saraakiil sar-sare oo horey wareysiyo looga qaaday, kuwaas oo qirtay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, isla-markaana ay dilal iyo qaraxyo khasaare dhaliyey ka fuliyeen Puntland, waxaana ka mid ahaa Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-Dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (Jeeri).

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Puntland Gen. Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa fulinta toogashada, kadib la hadlay warbaahinta, wuxuuna ka warbixiyey heerarka maxkamadeynta ee ay soo mareen ragga saaka oo Axad ah ay dilka ku fulisay Puntland.

“Maxkamadda ciidamada waxa ay muddo ku howlaneen in Gobolka Mudug ka ciribtirto dadka laayay labeynta iyo indhaha bulshada, hay’adaha baarista Puntland waxa ay ka qaateen kaalintii ugu weyneed oo qof waliba baaris ayaa la mariyay kahor inta aanay la geyn maxkamadda” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada General Maxamuud.

Si kastaba waa markii ugu horreysay oo hal maalin oo kaliya toogasho lagu fuliyo dad gaaraya 21 qof gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ahaa xoogaga Al-Shabaab.

Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigooda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.