GALMUDUG oo war kasoo saartay dagaalkii WISIL

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ee gobolka Mudug, Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud oo u warramay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal ku billowday qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay deegaanka Wisil, kadib weerar ay ku qaadeen Al-Shabaab.

Mire ayaa sheegay in weerarka uu dhacay abaare 4:30, isla-markaana ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ay ka hortegeen dagaalkaasi.

Taliye ku xigeenka Booliska gobolka Mudug oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in khasaare xoog-leh ay gaarsiiyeen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

“Abaaro 4:30 habeenimo xilliga oo la isku diyaarinayay Salaad Subax ayay weerar gaadmo nagu soo qaadeen kaasi oo ay ku bilaabeen qarax balse khasaaraha iyagu uu soo gaaray,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda bariga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya

“Waan sii wadeynaa inta aan ka xoreyneyno dhammaan deegaanada ay sida dhuumaaleysiga ah uga joogaan gobolka Mudug, maxaa yeelay awood malahan oo ay si toos ah noogu wajahaan kali hadda awoodoodu waxa ay kusoo aruurtay weerarada gaadmada ah,” ayuu sii raaciyey.

Dhanka kale Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa shaacisay inay ku dishay illaa 34 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ee ku sugan halkaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in muddo koobgan ay wareegtay gacan ku heynta deegaanka Wisil, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa inta u dhexeysa degmooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug.