30 maalin kadib maxaa ka hirgalay heshiiskii 27-ka May ee doorashada Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa 30 cisho ka tagtay 60-kii cisho ee heshiiskii May 27, 2021 ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kaas oo dhigaya in 60 cisho lagu dhameystiro doorashada Soomaaliya.

In kasta oo bil tagtay hadana weli ma jirto wax laga qabtay hannaanka doorashada, iyada oo lagu wado in Muqdisho lagu qabto mar kale shir ay yeelanayaan ra’isul wasaaraha iyo madaxda Dowlad goboleedyada, tiiyo xataa la sheegayo inuu qaadhacay Guud-laawe oo ah madaxweynaha Hirshabelle.

“Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir Maanta  uga furmaya Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Hirsahabeelle

Shirkan la filayo inuu dhaco saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro arrimo ay ka mid yihiin

  1. Dib u heshiisiinta Gedo iyo Baladweyn
  2. Jadwalka Doorashada 2021
  3. Ansixinta qorshaha amniga doorashada
  4. Anisixinta habraaca xulista odeyaasha, ergada iyo bulshada rayidka ah
  5. Waxaa kale oo socda dood ku saabsan in ergada 101 lagu soo kobo 51 ergo ah halka labada deegaan doorasho laga dhigayo hal deegaan doorasho.

Intaas kadib, waxaa lagu wadaa in la guda galo doorashada aqalka sare oo ka dhaceysa xildhibaannada baarlamaannada maamul goboleedyada, waxaa kale oo la bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada golaha shacabaka oo gaaraya 275.