26.1 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Puntland oo u hanjabtay S/LAND iyo Gal-Mudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay faragelin ay sheegeen in deegaanadooda ay ku hayaan dad kasoo jeeda deegaanada Somaliland iyo Galmudug iyo waliba labada maamul.

Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Cali Qarjab oo saxaafada kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay in maamulkooda uu ka warhayo faragelin looga hayo deegaanada waqooyiga iyo koofurta Soomaaliya.

Wuxuu timaamay in faragelintaasi ay ku hayaan maamulada Somaliland iyo Galmudug, isagoo tusaalo usoo qaatay deegaano dhawaan dagaal uu ka dhacay oo ay la wareegeen ciidamada maamulka Somaliland.

Arintaasi waxa uu mid kasii daran ku tilmaamay shaqsiyaad ku sugan deegaanada Puntland oo taageero siinaya labada maamul ee xuduuda ay wadaagaan maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay wasiir Qarjab.

“Waxaan  ognahay maamulada deris nala ah ama koofur ha ahaadaan ama waqooyi ha ahaadeen faragelin ayay nagu hayaan, laakiin ma dhaceyso iney nagu dhex jiraan dad la shaqeynaya labadaasi maamul, mana u dul qaadan doono”ayuu yiri wasiir Qarjab.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay u diyaar garowday iney iska dhiciso qof kastaa oo wax u dhimeysa amaanka iyo kala dambeynta deegaanada Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News