Document: DF Somalia oo $50 milyan ka heshay Saudi Arabia, maalinkii ay xiriirka u jartay IRAN

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Saudi Arabia ka heshay ballanqaad kaalmo oo 50 milyan oo dollar ah, isla maalintii ay xiriirka u jartay dalka Iran, sida ku cad document ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dowladda Soomaaliya oo aan xaqiijin ama beenin lacagtan, ayaa sheegtay inuusan wax xiriir ah ka dhaxeyn kaalmada Sacuudiga ay siiyaan Soomaaliya iyo go’aankii xiriirka loogu jaray Iran.

Hase yeeshee diblomaasiyiin ayaa sheegay in tani ay astaan u tahay in Sacuudiga ay lacag u adeegsanayaan xoojinta taageerada ay u raadinayaan dagaalka diblomasiyeed ee kala dhaxeeya Iran.

“Sacuudiga waxa ay iminka isku dayayaan inay taageero ku raadiyaan hab lacageed iyo dood ku saabsan in Iran ay faro-gelin ku hayso Carabta” ayuu yiri Diblomaasi.

Warqad ka timid safaaradda Sacuudiga ee Nairobi, loona diray safaaradda Soomaaliya ee Kenya, ayaa waxaa ku cad in Sacuudiga ay 20 milyan oo kaash ah siinayaan dowladda Soomaaliya, halka 30 milyan oo kalena ay ku maal-gelinayaan dalka.

Labada lacagba waxaa lasoo marsiinayaa hay’adda Saudi Development Fund, sida ku cad warqadda, oo ku taariikheysan 7-da January, oo ah maalintii ay dowladda Soomaaliya xiriirka u jartay Iran.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in kaalmada Sacuudiga aysan xiriir la lahayn xiriirka loo jaray Iran.

“Xiriirka aan la leenahay Saudi Arabia waa mid muddo soo jiray oo qoto dheer, mana ahan wax iminka billowday” ayuu yiri Fargeeti.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye ayaa sheegay in codsi kasta oo kaalmo oo Soomaaliya ay weydiisatay Sacuudiga, uu ahaa mid dhacay inta aysan billaaban xiisadda ka dhaxeysa Riyadh iyo Tehran.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com