Daawo sawirrada: R/W CCC oo boorsooyinkiisii weynaa kala soo dhoofay magaalada Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan horayba u sheegnay waxaa fashil kusoo idlaaday shirka wadatashiga aayo ka talinta Somalia ee maalmahaani ka socday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Fashilka iyo isfahan’waaga kadib ayaa waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay madaxda DFS oo ay wehliyaan qaar kamid ah madaxweynayaasha maamulada dalka.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan Wasiirada iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa hal diyaarad ka soo qaaday magaalada Kismaayo.

Ra’isul wasaaraha oo ay wehlinayeen qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa iyagana isku diyaarad ahaa oo ka soo dhoofay Kismaayo.

Kaamirada ayaa waxa ay qabatay Wafdigii uu hogaaminaayay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid oo jiidaayay Boorsooyin oo aad u waaweyn waxaana talaabadaasi ay ka danbeysay kadib markii ay labada dhinac carqaladeeyen shirka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5