Dalka Soomaaliya waxa leh hal qowmiyad kaliya

Markii ay bur burtey Dowladdii Soomaaliyeed ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Sanadkii 1991 bishii January waxa Soomaaliya ka dhacay dagaal Qabiil oo ku saabsana Xukun doon taaso keentay in Qabiil walba uu urur ama jabhad siyaasadeed yeesho, Haddii aan wax ka sheego Qaar ka mid ah Jabhaddii Dalka soo maray 1991 – waxaa ka mid ah sidaan soo scota;
 
 Magacyada Jabhadda Siyaasadeed ee qabiilka ku dhisnaa
1- The Somali Salvation Democratic Front (SSDF)
2- The Somali National Movement (SNM)
3- The United Somali Congress (USC)
4- The Somali National Front (SNF)
5- The Somali Democratic Movement (SDM)
6- The Southern Somali National Movement (SSNM)
7- The United Somali Front (USF)
8- The Somali Democratic Alliance (SDA)
9- The United Somali Party (USP)
10-The Somali National Democratic Union (SNDU)
11-The Somali African Muki Organization (SAMO)
12-The Somali National Union (SNU)
Jabhadda aan kor ku soo sheegay waxay ku heshiin waayeen in ay Soomaaliya u dhisan: DOWLAD MIDNIMO QARAN, taasoo markii danbe keentay in ay Soomaaliya noqotey Dal aan Dowlad laheyn.
Maanta oo aan joogno 2016 waxa Dalka Soomaaliya ka jiro Dowlad aan awood laheyn iyo Dowlad Goboleed fara badan oo Qaab Qabiil ku dhisin oo mid walba ay sameeystey Madaxweyne iyo Baarlamaan u gaar ah waxayna la mid yihiin Jabhadda aan kor ku soo xusey ee 1991, waxana laga yaaba in ay soo baxaan Dowlad Goboleedyo kale oo Qaab Qabiil ku dhisan.
Haddii aan wax ka sheego Magacyada Dowlad Goboleed yada Dalka Soomaaliya ka jira waxa ka mid ah: Somaliland, Puntland, Galmudug, Qaatumo , Koonfur Galbeed,Jubbaland, iyo kuwo kale oo soo socda oo ah Dowlad Goboleed cusub taaso marka danbe keeni doonta in Degmo walba ay tirahdo Dowlad Goboleed ayaan ahay waxaana lee yahay Madaxweyne iyo Baarlamaan.
Dalka Soomaaliya waxa leh Hal Qowmiyad oo la yirahdo SOOMAALI oo leh Hal diin , Hal luqad , iyo Hal Midab, ee fadlan Qaranimada iyo Qabiilka hala kala saaro.
Mahadsanadiin
W/Q: Dahir Mohammed Sheikh
Email; mr.dahir@live.com
Nairobi, Kenya 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com