Puntland oo u jawaabtay DF SOMALIA

Garoowe (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Macdanta iyo Badroolka Puntland ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay dowlada Federaalka Soomaaliya oo sheegayay in Dowladda ay mas’uul ka tahay Shidaal baarista Dalka guud ahaan ayna iyaga soo marayaan cid kasta oo u socda shidaal baaris laga sameeyo gudaha Dalka.

“Puntland Dowlad baa ka jirta, Dowladaasina iyadaa mas’uul ka ah danaha dhaqaale iyo siyaasadeed, Wax shuqul ah oo ay Dowlada Muqdisho ku leedahay arrimaha Batroolka ma jirto, Arrimahaa Waxaa mas’suul ka ah dowlada Puntland oo awoodeeda leh lagalana xisaabstamayaa, dowlada Soomaaliya waxyaabaha ay sheeg sheegeyso haba yaraatee mahan mid ay saameyn Soomaaliyoo dhan gaar ahaan Puntland.” Sidaasi waxaa yiri agaasimaha Guud ee Batroolka iyo macdanta Puntland.

Agaasimaha guud ee Macdanta Puntland Ciise Dhoolawaa ayaa sidoo kale tilmaamay in mowqifka Dowlada Federaalka Somaaliya joogto uu yahay mid adag oo muujinaya kala fogaansho labada dhinac ah.

Dowlada Puntland ayuu tilmaamay Ciise Dhoolawaa in howshii ay waday ee shidaal baarista ay soconeyso cid wax ka qaadeysanaya aysan jirin, sida uu hadalka u dhigay, isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay dowlada Federaalka iyo cid kale toona.

Dhinaca kale waxa uu sheegay agaasimuhu in ay socoto howshii shidaal baarista Puntland oo aan jirin wax isbedel ah oo ku yimid ayna halkii ka wadaan dadaaladii ku aadanaa shidaal baarista laga wado Puntland.

Puntland, ayaa muddo sanado ah sheegeysay in dhulkeeda shidaal ka buuxo, waxaana ay kenetay shirkado badan oo la sheegay inay shidaal baarayaan, hase yeeshee weli ma jiraan wax muuqda oo kasoo baxay.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com