DHAGEYSO: MADOOBE oo shaaciyey in xasuuq uu ka socdo KISMAAYO

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa wuxuu si adag u sheegay in uu xasuuq ka soconaayo Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Mdaxweynaha, ayaa Maamulka Kmg ah ee Jubba si dadban ugu eedeeyay in uu xasuuq ka wado Magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay in kufsi iyo dhacba uu ka jiro Magaaladaasi.

“Kismaayo waxaa ka socdo gumaad ka baxsan bini’aadanimada, dad baa la gumaadayaa, dad baa la fara xumeynayaa, dad baa hantidooda la dhacayaa.” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.

“In badan baan la hadalnay ugana dignay dadka wax gumaada, oo dalaaliinta ah oo halkaasi yimid, rabana dhul iyo boob inay dhulkani ku qabsadaan. Waxaan uga digeynaa inay ka waan-toobaan gumaadka, dadka ay gumaadayaan.” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Beesha Caalamka, ayaa wuxuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan waxa ka soconaayo Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, iyadoo uu su’aal keenay waxa ay indhaha uun uga daawanayaan.

Halkan ka dhageyso Madoobe

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com