Maxaa Cali Maxamed Geedi iyo Cumar C/rashiid kala dhaxeeya Damul-Jadiid?

Raysal wasaaayaashii xillihii ku-meelgaarka ee soo maay Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa beryahan dambe si weyn ugu milmay madaxtooyada dawlada federaalka ee Villa Soomaaliya, iyadoo labada nin uu horey u xumaa xiriirka kala dhexeeya hogaanka dawlada ee hadda jira.

Cali Maxamed Geedi iyo Cumar C/rashiid oo u muuqda inay siyaasada dalka isku aragti ka yihiin ayaa lagu arkayey iyagoo safka hore ka fadhiya xaflado ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, taasoo ay ugu dambeysay kulan dood wadaag ah oo uu soo qabqanqaabiyey telefishanka Universal, kaasi oo siyaasada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dawladiisa lagu faahfaahinayey.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu la taliyayaal ka dhigtay labada nin, waxaana toddobaadkii hore Cali Geedi iyo Cumar C/rashiid madaxweynaha kaga sii hormareen gobolka Shabeelaha Dhexe oo madaxweynuhuhu booqday isagoo dhagax dhigay goobo waxbarasho oo laga hirgelinayo deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xilalka la taliyanimo ee Calli Geedi iyo Cumar C/rashiid ayaan la ogeyn xilliga rasmi ahaan loogu magacaabay, hase yeeshee waxaa kaalinta la taliyanimo ay ahayd mid muuqata illaa markii uu soo baxay baaqii xildhibaano ka badan 100 xubnood ay ugu jeediyeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu iscasilo.

Ku biirista Damu Jadiid

Rag badan iyo dumar ayaa ku biiray kooxda Damu Jadiid ee awooda dawlada federaalka hadda heysata kuwaasoo aan horey uga tirsanayn kooxda, maadaama siyaasada Soomaaalida aysan ahayn mid ku saleysan xisbiyo ku loolama xukunka, waxaana taasi bedelkeeda ay had iyo jeer siyaasiyiinta isu bahaystaan si ku saleysan danahooda shakhsiga ah iyo hadba aragtida ay qabaan.

Ilo wareedyada qaar waxay sheegeen in aysan la yaab lahayn haddii la arko siyaasiyiin rug-caddaa ah oo ku soo biiraya xeyndaabka Damu-Jadiid maadaama tartanka ugu weyn ee hadda socda uu yahay sidii Damu-Jadiid ay u heli lahaayeen inay xukunka madaxtinimada sii heystaan mudo kale xitaa haddii doorasho ay ka dhacdo dalka sanadka 2016.

Isha: RBC