Kenya oo aqbashay dalabkii SOMALIA

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa shaaca ka qaadey inay dowladda Kenya oggolaatay dalabkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in aanan khasab lagu celin qaxootiga Soomaalida.

Waxaa uu hadalkan ka jeediyey raysul wasaare,Cabdiweli kulan uu xalay la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Kenya,waxuuna kulanka ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya.

Raysul wasaare,Cabdiweli ayaa Soomaalida Kenya kala hadlay arriimo ay ka mid yihiin mashaakilaadka qaxootiga Soomaalida, kaalinta ganacsatada ee maalgelinta iyo dib u dhiska dalka uga qeyb-qaadan karaan iyo arrimo kale.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay wasiirka Beeraha Soomaaliya, wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Soomaalida iyo Jaaliyadda oo u badan ganacsatada Soomaalida ee dalka Kenya, kulanka intiisa badan waxaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka ay ka kulmaan ganacsatada Soomaalida.

Cabdi Weli ayaa dhageystay Kalmadaha ay soo jeediyeen ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, Ganacsatada waxa ay soo dhaweeyeen dhammaantood in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay go’aan mideysan ka gaaraan xaaladda Soomaaliya dalka Kenya nooc walba oo ay yihiin.

Cabdi Weli oo khubad dheer u jeediyey Jaaliyadda, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dadka Soomaaliyeed muddo hore si wanaagsan u soo dhaweysan, isla markaana labada dalka uu ka dhaxeeyo iskaashi ku dhisan wax wada qabsi.

“Madaxda dowladda Kenya waxa ay noo ballan qaadeen in si degan wax uga qaban doonto dhibaatada ay la kulmaan dadka Soomaaliyeed, Kenya waa ay qirsan tahay kaalinta wanaagsan ee ay Soomaalidu ku leeyihiin dalka Kenya, sida ganacsiga maalgelinta iyo firfircoonida xowliga ku socoto ee labada Bulsho, arrintaasi dowladda Kenya waan uga mahadcelineynaa, dowladda Kenya waxa ay soo jeedisay in dadka Ganacsatada ah ay sameystaan is diiwaangelin rasmi ah si xal waara looga gaaro, ganacsatada Soomaaliyeedna ay xaq u yeeshaan in ay Cadaalad helaan, ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa yiri  “Arrinta qaxootiga waxaan isla garannay dowladda Kenya in aan si qasab ah lagu celin Muwaadiniinta Soomaaliyeed, ma ahan mid waafaqsan Sharciga Qaxootiga ee caalamiga ah, waxaa jira heshiis saddex geesood ah oo arrinta qaxootiga ku saabsan, si dadka doonaya in ay dalkooda lu laabtaan loo fududeeyo arrintaasi, dowladda Soomaaliyeedna iyada oo kaashaneysa beesha caalamka ay diyaariso meeshii dadka soo laabanaya la dejin lahaa, waa heshiis aan wada gaarnay annaga iyo Kenya in dadka Soomaaliyeed aan lagu qasbin dib u celinta”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in dhowaan uu dhici doonno shirka seddex geesoodka ah ee Arrimaha qaxootiga looga hadli doono, “waxaan idiin sheegayaa in dalka horumar badan ka socdo, rajo weyn ayaa noo muuqata, waxaan idin ku boorrinayaa in si deg deg ah aad uga qeyb-qaadataan maalgelinta dalkiinna, dib u dhiska iyo ka qeyb qaadashada sugidda ammaanka dalka, waad la socotaan in cadowga uu soo maleygayo in uu ka hor tago horumarkaasi, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com