Muqdisho: Wariye gaari lagu qarxiyay

Muqdisho(Caasimada Online) – Allaha u Naxariistee Weriye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan, ayaa goor dhow lagu dilay qarax baabuur oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weriye Keynaan oo la shaqeynayey idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa bam loogu xiray baabuurkiisa oo yaalay agagaarka suuqa bacadlaha Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, waxaana uu ku naf waayey qaraxaas.

Bam-ka qarxay ayaa lagu xiray kursigii darawalka, waxaana la qarxiyey markii uu weriye Keynaan farriistay, Allaha u naxariistee.

Baabuurkii ayaa gebi ahaanba ku bur buray qaraxa, waxaana goobta tagay ciidamada booliiska.

Weriye ka tirsan Caasimada Online oo Muqdisho jooga, ayaa ka mid ah dadka loo soo sheegay geerida Weriye Keynaan. Lama yaqaan cidda fulisay qaraxaas.

Wixii warar ah ee kusoo kordha, waan idinla soo socodsiin doonnaa Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com