Xaqiiqooyinka ku saabsan SAADO CALI Warsame ee dad badan aysan ogeyn

Saaddo Caliyeey Meel walba ka maadeeye waa Magac beelaa!

Waxaa jirta adduunka magacu waa wax waara oo laba. Mid ayuu dhaxal u noqdaa inaad noqoto mid laga naxo maqalkiisa dheguhuna dhibsadaan iyo inaad noqoto mid samo iyo ammaan muteysta geeridiisuna noqoto mid laga murugoodo.

Sidoo kale magacaagu wuxuu saamayn  ku yeeshaa qoyskaaga, waalidkaa iyo kuwaad adigu dhashaba oo uu ku noqdaa, Tilmaan wanaagsan ama mid xun.

Haddaba sida u caadada ah Fanka Soomaaliyeed waxaa soo marey fannaaniin badan oo magac iyo maamuus wanaagsan ku lahaa, qaarbaa Aas qaran loo sameeyey kuwana ilaa maanta qof walba oo Soomaaliyeed carruur iyo ciroole wuxuu u hayaa xushmad iyo xaqdhawr.

Fannaanada Saaddo Cali Warsame, dabayaaqada 60meeyadii ayay iyada oo ka soo baxsatey Baadiyaha degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, gaar ahaan Daabiyad la yidhaahdo, Qararo oo reerkoodu deganaa, ahaydna gabadh miyi ku kortey kuna waynaatay, ayaa timid magaalada Burco.

Saaddo Burco wax ehel ah uma joogin aan ka ahayn dad ay qaraabo ama deegaan wadaag yihiin, saaddo waxay nasiib u yeelatay inay ku degto, gabdho ay wax isku ahaayeen oo qaadwalayaal ah qaarkoodna maqaayado yaryar leeyihiin, halkaasoo ay noloshii magaalada ka soo billowdey, ayaa sababtay inay isbartaan, fannaankii weynaa ee ilaahay haw naxariisto codka wanaagsan, Muuse Ismaaciil Qalinle. 

Muuse ismaaciil Qalinle, ayaa Saaddo qof ahaan u caawiyey markuu arkay dayaca iyo duruufta ka muuqata, iyadoo ahayd gabadh qurux u dhalatey hase yeeshee aan haysan daryeel dumar oo ku filan, caawimadii Alfannaan Muuse ayaa waxay la gashay markay is barteen una hawaala warrantey, inuu tijaabiyo codkeeda ileeyn isaga hiwaayadiisu waa fan iyo hees oo maaha ganacsade ama shaqaale dowladeede, ka dib luuqdeedii ayuu la dhacay, waxayna suuragelisay inay sidaa fanka uga soo qayb gasho, saaddo inkastoo ay fanka dad badan uga horreeyeen dhinaca jilitaanka iyo codkaba, haddana gabdhaha fanka iyo kooxda Waaberi ayay gaadhay inay ka mid noqoto.

Saaddo ayaa ahayd qof adduun jecel, hanti ama lacag yaraanteeda iyo badnaateedana meelo badan u martey, “Waxaad barataa waa baaskaa baa la yidhee”Saaddo Cali ayaa noqotey Alleen la yeersho iyo buun la tumo maalinta wax la maagayo ama la mucaaradayo.

Sooyaalka Madoow ee Saaddo Cali 

  1. Sanadihii 80meeyadii ayaa waxaa koox mucaarad ahi, Saaddo cali u soo dab aka dhiibeen, Laba Maanso oo ka mid ahaa “Silsiladii deelayda” loogana dan lahaa in lagu gees garaaco hoggaanka maamulkii Rajiimka, Saaddo oo aan ahayn Hal abuur laguna aqoon laguna baranin, weligeedna aan hees la gole iman ay leedahay ayaa mar qudha laba maanso oo dhul gariira keentay, lays weydii balse dadkaa la dhacsanaa oo guux baa looga baxay.
  2. 1990 ayaa haddana Koox kale oo mucaarad ahi oo fannaaniin iyo Abwaaniin ah waxay waayeen qof u metela Ruwaayadii “LAND CRUISER” Ka dib Saaddo ayaa sidii caaddada u ahayd, jabjab weydiisay oo qaaddatey ileyn waa waxay fanka u gashay xooluhu oo cidina kuma ceebsanaysee sidiina ku soo saartey ruwaayadii, mase jirin mabda’a mucaaradnimo iyo mid muxaafadnimo oo saaddo cali lahayd.
  3. Ku dhawaad 20 Sano ayay saaddo qurbaha wareegaysey waxayna weyday wax ka badan caydha reeraha galbeedka u guurey qaataan, sidoo kale waxaan jirin xaflado iyo goobo saaddo laga Waco maadaama aysan ahayn qof heesaheeda aad loo jecel yahy oo fankeedu uusan taageero badnayn.

Saaddo ayaa waxaa adeegsaday koox mucaarad ah oo la yidhaahdo SSC, oo uu hoggaaminayey, Wasiir Saleebaan Xaglo toosiye oo doonaysay siday wax uga heli lahaayeen maamulka Somalillan, Saado ayaa  billowdey inay markaan isku dirto beelaha deriska ah ee wada dega, Waqooyiga (Somaliland) iyadoo qori dable isugu dhiibtey, waxaa ka mid ahaa heesaha ay qaaddey, inay noqoto fannaanadii ugu horreysa ee qof shacaba oo ganacsade ah oo Soomaaliyeed, hees u qaadda(HA DHIGAN DHIIG SHIIL HA DHIGIN) sidoo kale waxay qaadey hees  Kalshaale maxaa ka yaal oo ay ku hurineysay, Colaad laba beelood oo walaalo ah ku dhexmartey, deegaamada Kalshaale iyo Maygaagle.(Dagaal ooge ) 

  1. Saaddo ayaa waxaa haddana mar kale waxaa adeegsaday Koox ay Kenya Qandaraas soo siisay oo magac la yidhaahdo Jubbooyinka wata, sidoo kalena waxay ka qaaddatey hanti sidii caaddada u ahayd waxayna soo qaadey heeso dhawra oo ay isaga hor keenayso beelaha walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee Jubbooyinka iyaga oo qabyaalad ka dhex curinaysa sidey Somalilandba uga dhex curisey, waxaa heesahaa ka mid ahaa, Guul allee Geediga wadaay. Mashruucaas jubba ayaa dhalay in Madaxii horre ee maamulka Barri Faroole ku darro Ergo uu xoog ku xulay kuna sheegay inay ka mid yihiin Puntland oo ka mid noqdey Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Fannaanadii lahayd, Midnimaan rabaa, Qaranimaan rabaa, waxay la soo safatey lana soo shir tagtay waxaan ahay Xildhibaan reer hebel ah, “ Ileeyn nimaan xishoonayn, Dagaal xeeli kama hayso”
  2. Ugu Dambayntii Saaddo Cali waxay hadda sanadkan 2014ka ku jirtaa olole ballaadhan oo laysaga horkeenayo, Beelo Soomaaliyeed oo wada degan, Shabeellooyinka, Saaddo ayaa sidi caaddada ahayd waxaa halkana ay ku soo qaaddatey qandaraas cusub oo Belo hurin iyo dabshid ah, waxayna soo qaadey hees la yidhaahdo, “ SHABEELLE MAXAA KU DHUMAY”

Hadda waa is weydiine, Saaddo maxaa amin walba raaciyey kooxda wax duminaysa? Waa tan labaad maxaa ka dhigay shaqsi aan dhergin oo maalin walba qaylodhaan iyo waawareey iyo qoryo isugu dhiibid umadda Soomaaliyeed e islaamka ah?

Xaallada ayaa hadda taagan:-

  1. haddaad mucaaradtahay, Saaddo hakuu mashxarado.
  2. Haddaad wax maagayso , Saaddo hakuu mashxarado
  3. Haddaad Belo maleegayso, Saaddo hakuu mashxarado
  4. Haddaad Fitno maluuqayso, Saaddo hakuu mashxarado
  5. Haddaad Maal haysotona, Saaddo hakuu mashxarado

Saaddo Cali Warsame ayaa noqotey Makarafoonka xumaanta dadka lagu gaadhsiiyo, Halka uu Amiin caamirna ka noqdey, Filimqaaddaha, dadka xumaanta gaadhsiiya.

W/Q: Dr. Xayle Suudi

Xayle777@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid