Cali Geedi oo farriin uu PUNTLAND ka siday u gudbiyey beelaha Mudullood

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka Cali Geedi uu la yeeshay qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha beesha Mudulood ayaa looga hadlayo qoddobo dhowr ah oo quseeya marxaladda siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay iyo sida ay u arkaan siyaasiyiin uu Cali Geedi ka mid yahay doorka looga baahan yahay beesha Mudulood in ay qaadato xilligan, waxaana uu madasha ka sheegay Geedi in qabsoomida kulanka sababaha uu u dalbaday ey tahay farriin uu kaga sido beelaha Puntland.

Cali Geedi waxa uu faahfaahin ka bixiyey shirar uu la yeeshay siyaasiyiin iyo waxgarad beesha Majeerteen ka soo jeeda muddadii uu booqashada ku joogay deegaanada Puntland, ayna isla wada jeexjeexeen arrimo dhowr ah, waxaana uu tilmaamay in dhammaan waxyaabihii ay ka wadahadleen ay isku aragti ka noqdeen, uuna balan ku soo qaaday in farriintii uu ka siday Garowe inuu soo dhexdhigo odayaasha.

Waxyaabaha uu Geedi sheegay waxaa ka mid ah in beesha Majeerteen ay dooneyso inay is-baheysi la noqoto beesha Muddulood, ayna talada dalka Soomaaliya labadooda wadaagaan abid, balse ay ka dooneyso beelaha Muddulood inay iska reebaan beelaha Habar-Gidir, Mareexaan iyo Murusade.

Geedi waxa uu sheegay in shaqsiyan isaga uu fikirkaas raacsan yahay, taasna ay xaqiijin karto in Muddulood iyo Majeerteen ay weligood madaxweyne iyo ra’iisul wasaare ayaga ka ahaadaan dalka.

Markii uu hadalka dhammeeyey Cali Geedi ayaa sida wararku sheegayaan waxaa isbeddelay jawigii shirka, waxaana la arkayey qaar ka mid ah waxgaradkii madasha ku sugnaa oo ka baxay qolkii uu shirku ka soconayey.

Hase yeeshee mid ka mid ah odayaashii waxgaradka ahaa ee kulanka ka qeybgalay oo hadalka qaatay ayaa yiri “Beelaha aad carabka ku dhifatay waa kuwa keliya ee maanta u taagan badbaadinta hambadii ka hartay Qaranimadda Soomaaliya. Geedi siddeen u xoori karnaa dadkaan walaalaheen ah ee aan rootiga kala goosano, oo aan bariiska wada cuno wax kastana aan wada qeybsado.? Ma waxaad dooneysaa inaad fitno iyo fadqalado na dhex dhigto?

“Mudulood haddii ay jirto cid dowladnimo la dooneysana waa kuwan aad tiri aan ka safano, kuwa aad leedahay aan la safano waa kuwa siyaasigooda iyo suuq joogooda ay meherada ka dhigteen ihaaneynta Madaxweynaha. Weli ma arag Habar-Gidir iyo qabiilaadka kale ee aad tilmaameyso oo Madaxweynaha wax ka sheegaya inay daafacaan ma ahan. Qoddoba ay kuu soo dhiibeena waa colaad ha idin dhexmarto annagana daaqada ayaan idinka daawaneynaa, marka Cali waxaan kugula talineynaa kuwa dad kuu xiga in qur’aan ku saaraan, haddii xaaladaadu ka weyn tahay quráan saaris qolada aad sheegeyso u tag iyaga ha ku magangeliyaane” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii kulankaasi ka hadlay.

Qaar ka mid ah waxgaradkii madasha ka hadlay ayaa waxa u soo jeediyeen Geedi inuu ka shaqeeyo walaaleynta iyo isku keenista ummadda Soomaaliyeed, halkii uu ka taageeri lahaa siyaasiyiin ay dano shaqsi ah ka dhexeeyaan.

“Waddanka maanta waa na deeqaa, waana nagu filan yahay, Soomaali wax ey kala leedahay ma jirto, waa la isku diray, cadow ayaa la isaga dhigay waxa sidaa yeelanayana waa dowlado shisheeye oo doonaya in ay Qarankii Soomaaliya god ku hubsadaan waxeyna adeegsanayaan kuwa ujeedadoodu tahay in ay wax noqdaan un, iyaga oo aan ka fikireyn daanada ay dalkooda u geysanayaan, Geediyoow haddii wax yar oo damiir ah uu kugu harsan yahay waxaan kuu soo jeedinayaa inaad adigo qolona aad gaar u ceyrsan, kuwa kalena aadan dhabarka saaran inaad ka shaqeyso cadaaladda iyo sidii Soomaali ay marxaladan kaga bixi laheyd” sidaa waxaa kale oo yiri oday ka mid ah dadkii kulankaasi ka soo qeybgalay.

Beelaha Mudullood iyo Majeerteen, ayaa muddo xulufo ku ahaa siyaasadda Soomaaliya, hase yeeshee waxa ay aad u kala boodeen markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, uuna shaqsiyan go’aansaday inuusan qof kasoo jeeda deegaanadaas u magacaabin ra’iisul wasaare.

Xigasho: Yoobsannews.com