Qurbojoogta Somalida oo la midenayo

Istanbul (Caasimada Online)- Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta oo Sabti ah ka furmaya shir caalami ah oo looga hadlaayo siddii loo mideen lahaa qurba joogta Soomaalida.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dad Soomaali ah waxaana ka qeybgalaya Soomaalida ku nool qurbaha isla markaana waxaa martigaliyay dowladda Turkiga.

Waxaa shirka ka qeybgalaya wasiirka arrimaha dibedda iyo maalgashiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle Ducaale.

Qaban qaabiyaasha shirka oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shirkan uu socon doono muddo labo cisho waxaana inta u socdo la filayaa in looga hadlo arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay in la mideeyo qurba joogta Soomaalida.

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa la filayaa in ay ku nool yihiin waddamada qurbaha.

Waa shirkii ugu horeeyay ee noociisa oo looga hadlo siddii loo mideen lahaa qurba joogta Soomaalida ee ku nool dibedda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com