Istanbul (Caasimada Online) – Sida uu baahiyay Raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho, wasiirka arrimaha dibedda iyo dhiirigalinta maalgashiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeybgali doona shirweyne caalami ah oo ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Shirkan ayaa waxaa qabaneysa hey’adda TIKA oo mashaariic fara badan ka wada dalka Soomaaliya, waxaana ka soo qeybgali doona wasiiradda arrimaha dibedda dalalka soo koraya iyo kuwa colaadaha ka soo baxaya.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu qeyb ka mid ah shirka ka dhacaya Turkiga uu shir guddoomin doono isagoona wafuuda ka soo qeybgaleysa u soo bandhigi doona fursado badan oo yaalla Soomaaliya.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha hey’adda TIKA Sardaar Saam, wuxuuna uga mahad celiyay howlaha hey’adda ka heyso Soomaaliya.
Turkiga ayaa gacan weyn ka geestay dib u dhiska iyo horumarka dalka Soomaaliya, wuxuuna dalka ka hirgaliyay mashaariic fara badan.
Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa xoojineysa siyaasadeeda arrimaha dibedda si ay indhaha ugu soo jeediso caalamka maalgashi ay ka sameestaan dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Istanbul