Safiirka Somalia ee Rwanda: KAGAME ayaan ka jeclahay XASAN SHEEKH

Kigali (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Rwanda, ayaa muujiyey jaceylka uu u qabo madaxweyne Paul Kagame, isaga oo sheegay inay fiicnaan lahayd, haddii uu ahaan lahaa madaxweynaha Somala.

Cabdullahi Sheekh Maxamed, ayaa ka hadla madaxweyne Kagame, in ka badan inta uu ka hadlo madaxweynaha dalkiisa Xasan Sheekh Maxamuud.

Wareysi uu siiyey wargeyska Great Lakes Voice, isaga oo ku sugan magaalada Kigali, ayaa Cabdullahi waxa uu ku sheegay in Kagame uu tusaale wanaagsan u yahay Africa, uuna yahay is-baheysi wanaagsan oo Soomaaliya ay leedahay.

Safiirka Soomaaliya ee Rwanda
Safiirka Soomaaliya ee Rwanda

“Waxaan jeclahay Kagame in ka badan inta aan jeclahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Rwanda.

Hadalkiisa ayaa yimid xilli dowladda Soomaaliya ay qorsheeneyso inay xirto safaaradeeda dalkaas, sababo lacag la’aan ah darted iyo cabashooyin ka dhan ah safaaradda.

“Waxaas waa warar suuqeed, ma jirto cid shaqada iga ceyrin karta, ii sheeg haddii uu wasiirka arrimaha dibedda i ceyrin karo, anigaaba leh awood aan isaga xilka uga qaado. Rwanda waa xulufadeena, mana jirto sabab loo xiro safaaradda halkan” ayuu yiri safiirka.

Hadallada safiirkan, ayaa waxaa laga dhadhansan karaa qof aan maskax ahaan fiyoobeyn, ama ay jiraan waxyaabo kale oo ka keenaya hadallada noocan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com