R/W Somalia oo Kenya u sheegay arrin uu aad uga xun yahay oo KENYA ay…

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa kulan la qaatay xildhibaanka laga soo doorto degmada Kaama Kunji ee magaalada Nairobi Yuusuf Xasan iyo qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in uu kala hadlay xildhibaanka sidda ay uga xun yihiin dhibaatada lagu Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay xildhibaan Yuusuf Xasan wuxuuna sheegay in uu ku dedaali doono siddii ciidamada Kenya ay u joojin lahaayeen dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool xaafadda Islii isla markaana dowladda ay kala hadleen arrintaas oo hadda wax laga qabtay.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Sheekh Axmed Dhicisow oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed wuxuuna Soomaalida ugu baaqay in looga baahan yahay in ka shaqeeyaan nabad galayada dalka Kenya maadama la siiyay martigalin isla markaana ay soo qaabtaan kooxaha nabad galyo darida ka wada Kenya.

Safiirka Soomaaliya ee u fadhiya Kenya, Danjire Maxamed Cali Nuur Americo ayaa isna aad u ammaanay xildhibaan Yuusuf Xasan oo uu sheegay in uu dhabarka u xirtay siddii wax looga qaban lahaa dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.

Ugu dambeyn qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee xaafadda Islii ayaa ka hadlay goobta waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in ay la kulmaan maadama markii ugu horreysay ay tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com