Daawo: Nin sheegay inuu is qarxinayo oo qalqal galiyey bartamaha magaala…

Stockholm (Caasimada Online) – Shalay duhurkii ayaa isu socodka bartamaha magaalada Stockholm uu hakad galay mudo shan saacadood ah kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan in nin walxaha qarxa wata uu galay xafiis ku dhow xarunta weyn ee xisbiga moderat-ka ee talada dalkan haya.

Ninkan ayaa dadkii xaruntaa ku jiray u ogolaaday inay ka baxaan balse waxa uu sheegay in hadii uu is qarxiyo uu baabi`in doono xarumaha halkaa ku dhow ee ay leeyihiin xisbiga moderat-ka iyo kan mucaaradka ah ee hantiwadaaga (social democrats), waxaana boliisku ay ku guuleeysteen inay taleefan kula xiriiraan ninkaas kadib markii uu soo dhiibay lambarka taleefankiisa, waxaana wadahadalka ninkan lala galay uu socday mudo shan saacadood ah, ka hor inta aanu is dhiibin.

Intii uu socday qalqalkaan waxaa la joojiyey gaadiidka galaya ama ka soo baxaya bartamaha Stockholm gaar ahaan halka loo yaqaan Gamla stan (magaaladii hore), waxaana la arkayey dadka dalxiisayaasha ah ee halkaa sida aadka u booqda oo qaarkood ay qalqalsan yihiin, qaarna ay daneynayaan halka ay sheekadan ku dhamaato isla markaana ay sawiro ka qaadanayaan.

Ugu dambeyn ninkan ayaa is dhiibay fiidkii wadahadal dheer kadib waxaana muuqaalo tv-gu soo qaaday ay muujiyeen ninkan oo ka soo baxaya dhismihii uu ku jiray iskana furaya suun uu ku sheegay inay ku xiran yihiin walxaha qarxa, sidoo kalena iska siibaya surwaal iyo shaar uu watay isagoo kastuumo iyo funaanad watana gadaal-gadaal ugu dhaqaaqay dhinacii ay boliisku ka jireen, halkaa oo lagu qabtay.

War uu boliisku soo saaray waxa lagu sheegay in la baaray walxaha uu ninkan watay balse la ogaaday inaaney qatar weyn ahayn, sidoo kalena waxa ay intaa ku dareen in ninkan aanu boliisku hore u aqoon, taas oo ka dhigan in ninkani aan hore wax dambi ah loogu qaban.

Caasimadda Online
Stockholm- Sweden
Caasimada@live.com