DFS oo si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada dalka Soomaaliya

Canada (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya, waana markii ugu horreysay oo muddo ku dhow 25-sanno.

Wasiirka gaadidka iyo hawada sare ee xukuumadda Soomaaliya Saciid Qorsheel oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya maamulka hawada Soomaaliya lagu maamuli doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in ay awood u lee yihiin in maamuli karaan maamulka hawada.

Mar la weydiiyay wasiirka in ay hayaan shaqaalo diyaar u ah in ay qabtaan howsha maamulka hawada Soomaaliya, wuxuu tilmaamay in ay hayaan shaqaale badan isla markaana ay joogaan shaqaalihii hore ee ka shaqeen jiray hawada Soomaaliya.

“Markasta waxay noogu jawaabaan ma heli kartaan shaqaale iyo injineero qaban kara howsha, laakin arrintaas waxaan u sheegnay in aan heyno shaqaale nagu filan” ayuu yiri wasiir Qorsheel.

Waxaa la weydiiyay sidda ay awood ugu yeelan karaan in ay maamulaan hawada Soomaaliya, maadama maamulo iskood u madax banaan ay ka dhisan yihiin dalka sidda Somaliland iyo Puntlan, wuxuu xusay in Soomaaliya Air Space-keeda uu yahay mid qura isla markaana hal meel laga maamuli doono.

Ugu dambeyn wasiirka oo hadda ku sugan dalka Canada ayaa carabka ku adkeeyay in uu la kulmay madaxda Qaramada Midoobay ee gacanta ku haya maamulka hawada Soomaaliya isla markaana laga soo wareejin doono dalka Kenya oo hadda laga maamulo.

“Madaxda QM waxaan u sheegnay in aan diyaar u nahay in maamulka hawada Soomaalida dib loo soo celiyo oo dowladda gacanta loo galiyo” ayuu yiri wasiir qorsheel.

Dowladda Soomaaliya oo aqoonsi rasmi ah ka helashay dowladdaha caalamka ayaa xiriir fiican la sameesaneysa dowladda caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com