“Geedi oo ceyriyey Guuleed”, Xaqiiq?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Dr. Cali Maxamed Geedi oo muddooyinkaan dambe, si weyn kaga soo muuqanaayay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxa uu ku faanay in uu isagu khadka ka saaray Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.

Prof. Cali Maxamed Geedi oo laba habeen ka hor ku hoyday Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kulana kulmay Odayaal iyo waxgarad ka soo jeedo Gobolka, ayaa wax looga weydiiyay waxa xilligaan keenay in uu darafka Dowladda ka soo muuqdo.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Cali Maxamed Geedi uu u sheegay, haddii aanu isagu halkaa imaan lahayn inaanu is casili lahaynba Wasiirkii Amniga Qaranka, ee 24-kii bishii hore ee May xilka isaga degay.

“Mararka qaar waxaad mooddaa dadku inaysan waxba fahmi karin, haddii aan aniga imaan lahayn Xamar, ma waxay idinla tahay inuu is casili lahaa C/kariin Xuseen Guuleed?” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Nin ka mid ah raggii la kulmay Cali Maxamed Geedi, ayaa sheegay in Geedi uu isku difaacay in hadda uu Dowladdu ula jooggo, in la saxo wixii khaldan.

“Dowladda waxaan ku dhaliilaayay inay saxdo khaladaadkeeda, aniguna waxaan hadda ula jooggaa inaan khibradeeda uga faa’iideeyo, wixii khaldana la saxo. Nin kasta oo loo arko inuu fadhiid yahayna la bedelaa.” ayuu Geedi isku difaacay.

Cali Maxamed Geedi oo kolkii hore Magaalada Muqdisho laga dejiyay hotel laga hirgeliyay daartii Jirde Xuseen, ayaa waxaa dhowaan la soo dejiyay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, wuxuuna ku socdaa laba ka mid ah gaadiidka aynaan rasaastu karin, ee uu lee yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Geedi, ayaa billo ka hor si xoogan u mucaaradaayay Dowladda Federalka ee Somaliya, wuxuuna Madaxweynaha Somaliya uu ku tilmaamay, nin aan lahayn horey u socod.

In leesku soo dhoweeyo Dowladda Federalka ee Somaliya iyo Cali Maxamed Geedi, ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay Siyaasiyiin iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha Mudulood.

Isha: Dhacdo