Barre oo hub helay iyo kooxda Axmed Madoobe oo sheegtay inuu ka yimid…

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG Jubba ayaa sheegay in Col. Barre Aadan Shire “Hiiraale” lasoo gaarsiiyay hub aad u xoogan, isla markaana uu qorsheynayo in uu duulaan kusoo qaado qeybo ka mid ah gobolada Jubbooyinka.

Ismaaciil Maxamed Kheyre (Dhuxulow) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa sheegay in Col. Barre Hiiraale la soo gaarsiiyay hub ka yimid dad aan shisheeye aheyn oo Soomaaliyeed.

Barre Aadan Shire oo muddo sanad laga jooggo dagaal looga soo saaray Magaalada Kismaayo, ayaa waxa uu ku sugan yahay Deegaanka Goobweyn, oo 11km u jirta Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Ismaaciil Maxamed Kheyre, ayaa sheegaaya in dad Somaliyeed uun ay hubka soo gaarsiiyeen Korneyl Barre Hiiraale, iyadoo uu meesha ka saaray suurta galnimada in hubkaan uu ka helay shisheeye

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Kmg ah ee Jubba uu la socdo hubka soo gaaraaya sida uu yiri Barre Hiiraale, iyadoo uu ujeedada hubkana uu ku sheegay, in Barre Hiiraale uu dagaal kaga geysto Jubbooyinka

Dhuxulow, ayaa intaa ku daray in xasilooni ay ka jirto Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada kale ee Jubbooyinka, wuxuuna naqdiyay dagaalka uu xilligaan sheegay inuu qorsheynaayo Barre Hiiraale.

Dhuxulow oo wareysi siinaayay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale Barre Hiiraale ku eedeeyay in uu qayb ka ahaa dagaalkii maalinimada Isniintii ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com