Sawiro: Shariif & Gaas oo dib isu arkay

Abu-Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa caawa ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo uu Gaas booqanayo.

Kullanka ayaa yimid kadib markii Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo ay guri uu ka degan yahay Abu-Dhabi ku booqday madaxweyne Shariif oo ahaa ninkii Gaas u magacaabay ra’iisul wasaare.

Inkasta oo ay si aad ah isugu xummaayeen markii labada ninba ay mar qura xilka ka wada tagayeen kadib doorashadii Xasan Sheekh, haddana waxaa muuqata in hadda ay iska hilmaameen xurgufyadii siyaasadeed.

Sawirro laga soo qaaday kullanka, oo ahaa kaliya mid salaan ah, ayaa muujinaya Shariif iyo Gaas oo wada qoslaya.

shariif gaas 1shariif gaas 2shariif gaas 3shariif gaas 4shariif gaas 5