Sawirro: Xasan Sh. oo si lama filaan ah uga yaabiyey Hotel ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay ka yaabsaday oo si lama filaan ah ku tegay Hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho oo ay ka socotay xaflad lagu taageereyey xildhibaan Dr. Cusmaan Maxmuud Dufle magacaabistii ka mid noqoshada musharaxiinta abaal marinta bilada Nabadda Caalamiga ah (Nobel Peace Prize)

Xafladda ayaa waxaa soo abaabulay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda. Dhammaan ka qeyb galayaashii xafladda ayaa mar qura indhaha saaray Madaxweynaha oo howlka xafladda ka socotay gudaha u soo galay kuna biiray ka qeyb-galayaasha Xadladda iyada oo ay arrintaasi qiiro gelisay dhammaan dadkii ka qeyb galay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey Xafladda ayaa taageeradiisa ku biiriyey Xildhibaan Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle.

“ In Shaqsi Soomaaliyeed loo magacaabo ka mid noqoshada musharaxiinta bilad sharfeedka caalamiga ah waa guul ay gaartay Umadda Soomaaliyeed meel walba ay joogto.Tani waxay natuseysaa kartida Umaddeennu leedahay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed inay tageero u muujiyaan Xildhibaan Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle si uu u helo Bilada.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu garanayo Xildhibaan Dr Dufle uuna mudan yahay biladda isla-markaana gudiga qiimeynta ugu baaqay inay codkooda siiyaan Dr. Dufle.

xaflad 1xaflad 2xaflad 3xaflad 4xaflad 5xaflad 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com