IGAD, QM & Midowga Yurub ma waxa ay xilkii ka qaadeen Xasan Sheekh?

Faalo ku Saabsaan Maqaalkaan, Somalia: IGAD, UN, iyo EU waxay Banaanka Dhigeen Madaxwayne Xassan.Waxaa qoray MM Culusow.

Maxamud M. Culusow wuxuu sheegay in Madaxwaynaha Jamhuuridda Federaaalka Soomaaliya, JFS, Mudane Xassan Sh. Maxamud ay xilka ka tuureen IGAD (waa urur ay ku bahaysanyihiin 8 dal oo ku yaala Bariga Afrika oo qaabilsan dhanka horumarka), Qaramada Midoobay, QM iyo Midowga Yurub, MY.

Madaxwayanaha xilka banaanka lagama dhigin, wali waa joogaa. Sidaas darteed, cinwaanka maqaalka sax ma aha. Waxaa laga yabaa inuu Culusow ku doodo macno ahaan in Madaxwaynaha xilka banaanka looga dhigay, waana u muuqataa inuu sidaas u doodaayo. Wuxuun keenay labo daliil ama tusmo oo arintaan tusaysa.

Midda koowaad, in ka badan boqol xildhibaan aa waydiisatay Madaxwaynaha inuu si dag dag ah isku casilo. Arintaan waxay na tusaysaa sida Culusow u arko in xilka macno ahaan uu u waayay Madaxwaynaha. Codsigii xildhibaanada waa iska yaraaday maalmahaan marka maba u dhaqaaqin dhankaas iyo inay madaxwaynaha xafiiska banaanka ka dhigaan.

Midda labaad, Culusow wuxuu sheegay in la dalacsiiyay Wasiirka Kowaad Cabdiwali Sheekh Axmed lagana dhigay ninka maxaliga ah ee u qaabilsan beesha caalamka arimaha Soomaaliya.

Maxaa tusay arintaan Mudane Culusow? Wuxuu yiri Wasiirka Koowaad waxaa beesha caalamka uga baahatay arimahaan: “ Amin mudaysan iyo ficil go’aan ka muuqdo waa inuu Wasiirka kowaad qaataa si uu u abuuro midnimo qaran, u hagaajiyo ammaanka, dadajiyo horayumarka federaalka, dastuurka iyo dooroshooyinka

Dastuurka kumeel gaarka ah JFS qodobkiisa 90, faqradiihiisa oo dhan 17, waxaa ku cad masuuliyadda iyo awoodaha Madaxwaynaha. Saas oo kale, qodobka 100aad, qodobadiisa oo dhan 4 waxaa ku cad masuuliyadda iyo awoodaha Wasiirka Koowaad. Marka labadaas qodob lala akhriyo warbixinta ay sida wadajirka ah u soo saareen qayb ka mid ah beesha caalamka kuma cada in mid la dalacsiiyay, lagana dhigtay saaxiibkooda maxaliga ah.

Mudane Culusow wuxuu sheegay in hoos loo socoda, hoos u socoshadaan oo ka dhacaysa barxadaha siyaasada iyo banuu aadnimada iyo ammaanka. Wuxuuna sheegay isiro badan arintaan inay masuul ka yihiin.

Kow, warqadda sida wadajirka ah ay u qoreen qayb ka mid ah beesha caalamka, tanoo uu sheegay Culusow inay karaar siinayso hoos u dhac ku dhaca wadanka. Culusow ma sheegin sida warqadda ay ugu qaaraantay inay arimaha ammaanka, siyaasada iyo banuu aadnimada sii xumaadaan.

Labo, Culusow wuxuu sheegay sii xumaansha arimaha waxaa kaloo ka masuul ah Itoobiya iyo Keenya oo si joogto ah siriq cilmiyaysan ugu dhigaaya Soomaaliya. Culusow ma dhihin siriqda la dhigaayo tanaa ka mid ah ama caddaynta waa tan.

Saddex, Culusow wuxuu sheegay sii xumaanshaha arimaha Soomaaliya inay masuul ka yihiin arimo dhowr ah oo lagu sheegay qormo uu soo saaray madaxa sirdoonka Maraykanka, ka dib markii qiimayn lagu suubiyay Soomaaliya, qormadaas oo soo baxday 29kii Janaayo, 2014. Qormadaan waxay sheegtay in afar arimood Soomaaliya halis ku yihiin: 1) isqabqabsi gudaha ah-madax adayg siysaasadeed; 2) hogaan daciif ah oo ka imaanaaya dhanka Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamud; 3) Laamaha Dowladda oo si liita u qalabaysan; 4) yaraan baahsan oo ah dhanka farsamada, siyaasada iyo maamulidda. Mudane Culusow wuxuu sheegay sirdoonka Maraykanka inay ka tageen sheegidda saddex arimood oo muhiim ah. Mudane Culusow sida caadiga u noqotay wax caddayn ah uma keenin in wax laga tagay iyo wixii laga tagay labadaba, wuxuu iska dhahay saas iyo saas aa jirta. Mar kale arintaan arin fiican ma aha, in wax la iska sheego ayadoon caddayn loo hayn.

Baragaraafka labaad ee qaybta IGAD, QM, MY Warmurtiyeedka Wadajirka ah, ee maqaalka Culusow, wuxuu sheegay Mudane Culusow inay run tahay in masuuliyo ka saarantahay golaha wasiirada arimaha lagu soo jeediyay war murtiyeedka wadajirka ah.

Arintaan waxay meesha ka saaraysaa warkii Culusow oo ku sheegay baragaraafka koowaad oo ahaa in Wasiirka koowaad la dalacsiiyay lagana dhigay saaxiibka maxalaiga ah ee beesha caalamka, bacdamaa Wasiirka koowaad u yahay madaxa golaha wasirada.

Isla baragaraafkaan Culusow wuxuu ku tixay liis ah awoodaha iyo masuuliyadaha Madaxwaynaha iyo Barlamaanka. Waa arin sida muuqata aan caawinayn sheegashooyinkii Culusow ee ahaa in Madaxwaynaha banaanka la dhigay, Wasiirka Koowaad la dalacsiiyay, lagana dhigay saaxibka maxaliga ah ee beesha Caalamka iyo in xaaladda Soomaaliya ay sii xumaanayso.

Markuu halkaan maraayay Mudane Culusow wuxuu sheegay inay ahayn in awood la siiyo Wasiirka Kowaad bacdamaa siduu sheegay lagu eedeeyay inuu qayb ku lahaa dagaalo ka dhacay Gedo iyo Jubooyinka. Qofka ilaa caddayn loo helo inuu dambi galay, looma qaban karo. Culusow ma sheegin wax caddayn ah in Wasiirka Koowaad uu dagaal sokeeye huriyay.

Waxaa qoray Samatalis Xusseyn Xayle
haille60@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid