Puntland oo war yaab leh kasoo saartay kulanka Farmaajo iyo Muse Biixi

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay kulanka lagu wado inuu maalinta berri ah uu dalka Jabuuti uu ku dhex-maro Madaxweynaha Soomaaliya iyo midka Somaliland.

Puntland ayaa markale ku celisay dalabkeedii ku aadana ka qeyb gelida wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoona kulanka berri ku tilmaamtay ‘mid aan waxba soo kordhineyn’.

Afhayeenka Madaxweynaha Puntland, Jaamac Dabaraani ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu bartiisa Facebook uu ku baahiyay, isagoona hoosta ka xariiqay inay Puntland u qalanto in door laga siiyo wada-hadaladaasi.

Afhayeen Dabaraani ayaa sheegay in Puntland ay tahay maamulka keliya ee Somaliland la leh xuduuda, isla markaana ay tahay in door laga siiyo wada-hadaladaasi, iyadoo laga duulayo ku shaqeynta midnimo dhab ah.

Dabaraani ayaa ku doodaya in madaxda maamulkiisu ay qeyb ka noqdaan kulankaasi, isagoona taasi badalkeeda haddii ay dhacdo ku sifeeyay mid aan masiiri aheyn oo laga leeyahay dano siyaasadeed.

“Wadahadal Soomaaliya iyo Somaliland ah oo aan Puntland door lagu siin anigu magaran karo ujeedka laga leeyahay, waayo cidd ay xuduudu ka dhexeeyso waa Puntland iyo Somaliland” ayuu ku yiri qoraalkiisa Afhayeen Dabaraani.

Wuxuuna intaas sii raaciyay “Marka hadii la rabo inay wax hagaagaan oo midnimo dhab ah laga shaqeynayo waa in Masuuliyiinta Puntland, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta Puntland ku metela Sanaag, Sool iyo Ceyn ay ka qeyb galaan wadahadalka, hadii kale waxaa uu wadahadalku ku sifoobaya mid aan masiiri aheyn oo dano siyaasadeed uun laga leeyahay.”