Safiirka Somalia ee Cumaan oo is-hortaagay Soomaali xayiran oo dalka loo soo qaadi lahaa

Muscat (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Cuman Cabdiweli Cali Axmed (Jaylaani), ayaa is-hortaag ku sameeyey diyaarad ay soo kiraysteen Soomaali muddo ku xannibneyd dalka Cuman, oo doonayey inay dalka kusoo laabtaan, sida ay muujinayaan dokumentiyo ay heshay Caasimada Online iyo xog ay nala adaageen qaar ka mid ah dadka xayiran.

Diyaaradda oo qorshuhu ahaa inay Cuman kasoo baxdo 11-kii bishan June ayaa lagu joojiyey warqad uu safiirka soo saaray 10-kii bishan oo loo diray shirkadda Salam Air, oo dadka Soomaaliyeed ay diyaarad khaas ah ka kireysteen, si ay ugu soo qaaddo Boosaaso.

Sidee wax u dhaceen?

Dad ka badan 60 qof oo Soomaali ah, oo ay ka mid yihiin dad da’ ah, haween iyo caruur,  ayaa muddo ku xayirnaa dalka Cuman, kadib markii duulimaadayada caalamiga ah loo joojiyey sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Kadib ku dhowaad saddex bilood oo ay sugayeen in duulimaadyada dib loo furo, waxay ugu dambeyn go’aansadeen inay kireystaan diyaarad gaar ah, waxayna la heshiiyeen shirkadda diyaaradaha Salam Air ee dalka Cuman, oo u diyaarisay duuliimaad soo bixi lahaa 11-ka June, oo dadkan keeni lahaa magaalada Boosaaso, maadaama badankood ay yihiin reer Puntland.

Waxaa intaas xigay in shacabka ay iska ururiyeen lacag gaaraysa 15,000 oo Riyaalka Cuman ah, una dhiganta ku dhowaad 40,000 oo dollar, taasi oo ganacsato ka wakil ah ay ku shubeen akoonka shirkadda Salam Air ay ku leedahay Bankiga Muscat, sida ku cad rasiidka caddeynta lacag biixnta, oo ay heshay Caasimada Online.

Waxay sidoo kale arrintan kala hadleen wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo ay ka heleen fasax ah in dalka loo soo qaadi karo.

Intaas kadib ayaa dadkan Soomaaliyeed, waxay sidoo kale ku guuleysteen ina warqad fasax ah, oo ah in diyaaradda ay soo caga-dhigan karto garoonka Boosaaso 11-ka June ay ka helaan hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, warqaddaas oo ku taariikhaysan 2-da June.

Si kastaba, shirkadda Salam Air ayaa qoraallo ay is-dhaafsadeen wakiilada dadka Soomaaliyeed ku dalbatay inay qasab tahay inay fasax ka hesho safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Cuman, ayada oo loo soo marinayo marinnada diblomaasiyadda, sida ku cad email- ay is-waydaarsadeen wakiilada matalayey shacabka iyo shirkadda Salam Air, oo ay heshay Caasimada Online.

Waxaa markaas kadib soo baxay warar sheegaya in safiirka Soomaaliya Cabdiweli Jaylaani uu joojiyey diyaaradda. 7 nin oo u badan ganacsato ayaa habeenkii Taaladada ee 9-ka June la hadlay safirka, si ay arrintan wax uga weydiiyaan.

“Wuxuu safiirka noo sheegay inaysan arrintaas waxba ka jirin, oo uu ku faraxsan yahay, haddiiba culeyskii dowladda ay shacabka ayaga dhabarka u riteen oo ay iskood diyaarad usoo kireysteen, wuxuuna ballan-qaaday inuu siin doono warqadda ay u baahan yihiin subaxa xigay, si diyaaradda ay u baxdo,” waxaa sidaas yiri Cumar Muuse Nuux oo ka mid ah Soomaalida halkaas ku sugan, oo la hadlay Caasimada Online.

“Hase yeeshee, waxaa yaab lahaa in safiirka uu sameeyey wax liddi ku ah ballantii uu qaaday, halkii aan ka sugeynay warqad fasax ah, wuxuu subaxii Arbacada ee 10-ka June uu soo saaray warqad uu ku joojinayo duulimaadka, taasi oo dadkii dhan layaab ku noqotay,” ayuu yiri Cumar.

Caasimada Online ayaa lala wadaagay warqadda kasoo baxday safiirka oo uu shirkadda Salam Air ku wargelinayo inaysan u duuli karin Soomaaliya, ayada oo aan fasax ka haysan safaaradda.

Sida ku cad qoraalka, safiirka ayaa ku doodaya inaan lasiin waqti ku falin, iyo inaysan diyaar u ahayn mas’uuliyiinta rayidka iyo amniga, inkasta oo warqad fasax ah laga hayo hay’adda dullista, sidoo kale maamulka garoonka Boosaaso u dyaar-garoobay.
Caasimada Online oo xiriir la sameysay safaaradda, uma suurta-gelin inaan ku helno qadka, si aan wax uga weydiino, sababta ay dad u baahan kaliya warqad ay ugu xayiran yihiin dad kale.

Diyaaraddii ayaa sidaas ku baaqatay, dadkii Soomaaliyeedna weli waxay ku xayiran yihiin Cuman.

“Dadka qaarkood, waa dad guryihii ay deganaayeen iska fasaxay, waxaa ku jira caruur, haween iyo dad waayeel ah, oo aan haysan meel ay seexdaan, dhibaato ayaa halkan ka taagan,” ayuu yiri Cumar Muuse.

Waxa uu intaas ku daray inay xiriir la sameeyeen wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, balse illaa iyo hadda aysan jirin cid wax ka qabatay cabashadooda, ama soo faro-gelisay arrintan balse ay rajo un leeyihiin.

Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in safiirka uu yahay nin aad u awood badan oo ku xiran guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdiweli Ibraahim Muudey.