War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa war-murtiyeed kasoo saartay shirkii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ay maanta ku yeesheen magaalada Jabuuti, kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha beesha caalamka.

Sida ku cad war-murtiyeedka, wax qodobo ah oo la taaban karo kama soo bixin shirka, waxaana uu muujinayaa in labada madaxweyne aysan sii joogi doonin Jabuuti wixii maanta ka dambeeya.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ay isla garteen in la aas-aaso guddi farsamo oo ka kooban xubnaha wufuudda labada dhinac, si ay usii wadaan wada-hadallada. Kulamada guddigan ayaa la isku raacan inay ka dhacaan Jabuuti.

Waxaa sidoo kale la isla gartay in wada-hadallada labada dhinac ay lagu sii ambaqaado arrimaha taagan ee labada dhinac ay horey isugu raaceen.

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sidoo kale isla gartay inaan la siyaasadeen kaalmada horumarinta iyo maal-gelinta. Qodobkan ayaa u muuqda mid Somaliland guul ka gaartay, maadaama horey dowladda Soomaaliya u joojisay deeqdii Somaliland kadib markii ay qasabtay in ayada loo soo mariyo.

“Waxaa muhiim in danaha labada shacab ay xuddun u noqdaan hanaanka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka, oo ku booriyey ururada gobolka iyo kuwa caalamka inay taageeraan hannaankan.

War-mutiyeedka ayaa imanaya ayada oo goor sii horreysay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka mid ah wafdiga Somaliland, uu sheegay in wax natiijo ah aan maanta laga gaarin wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland uga furmay Jabuuti, islamarkaana lagu kala tegay.

Guddoomiye Saleebaan oo la hadlay TV-ga Horn Cable ayaa sheegay in ka Somaliland ahaan ay dalbadeen in Soomaaliya ay fuliso ballamihii la galay ilaa afar jeer oo horay ay isusoo hor fariisteen dhinacyadu, ayada oo aanay taas dhicinna aan lasii wada-hadli karin. Halkan ka aqriso warbixintaas.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka shirka