Reer Somaliland oo Biixi uga digay hal mid oo ka dhallan karta kulanka FARMAAJO

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta looga digay inuu marnaba ka tanaasulo qadiyada gooni goosaadka ah ee Somaliland ay 29-ka sanno ka badan u weyday ictiraafka.

Xisbiga Waddani ayaa ka digay in marnaba lagu gor-gortamo madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, xili ay socdaan qorshayaal lagu rabo in wada-hadaladaasi kasoo baxaan midnimada Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in xisbigooda uu si buuxda u taageersan-yahay kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ku dhex-maraya Jabuuti, balse uusan aqbaleyn in laga tanaasulo qaranimada Somaliland.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa aaminsan in kulanka Jabuuti ay uga faa’iideysato sidii ay qadiyadeeda ugu soo bandhigi laheyd miiskaasi oo ay goob joog ka tahay beesha caalamku.

Digniinta Waddani ayaa kusoo aadaysa xili uu socdo qorshe lagu rabo in dib loogu soo celiyo midnimadii Soomaaliya, kaasi oo la sheegay inay dabada ka riixayaan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa muddo ka badan 29-sanno ku dooda inay ka go’day Soomaaliya, walow aysan beesha caalamka ka helin aqoonsi buuxa oo loogu ictiraafo dal madax-banaan.

Kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah ka furmo dalka Jabuuti, sida uu shaaciyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyada oo uu qeyb ka yahay Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo isagu door weyn ka ciyaaray dib u furista wada-hadalada.