28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Puntland oo xabsiga dhigtay sarkaal sare + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya.

Sarkaalka la xiray ayaa ka shaqeyn jiray xafiiska Garoowe, waxaana lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay fududeynta tahriibinta dhalinyarada, oo muddooyinkii dambe si weyn ugu soo badaneysay maamulka.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa ku-xigeenka xafiiska Socdaalka ee Garoowe, waxaana loo haystaa inuu si sharci-darro ah baasaboorrada Soomaaliya u siiyay dhalinyaro tiro badan.

Dhalinyaradan qaarkood ayaa waxaa markii dambe lagu qabtay garoomada diyaaradaha maamulka Puntland iyaga oo isku dayaya inay dalka ka baxaan.

Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, maaddaama lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha hawlaha tahriibka iyo inuu jabiyay amar maamul oo ka hor istaagaya in dhalinyarada loo sameeyo baasaboor.

Xariggan ayaa dhacay iyadoo maamulka Puntland uu gacanta ku hayo dhalinyaro kale oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaas oo lagu qabtay garoonka Garoowe kana yimid Muqdisho, una socday Ethiopia si ay halkaas uga sii tahriibaan.

Puntland ayaa xaqiijisay in qof kasta oo lagu qabto falal la xiriira tahriibka la horgeyn doono maxkamad, iyadoo lagu dhaqmayo xeerarka dowladda ee ka dhan ah tahriibka.

Maamulka Puntland ayaa weli waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan ee ay dhalinyaradu kasoo qaadaan safarrada tahriibka, iyadoo magaalada ay ka hawl-galaan shabakado qarsoodi ah oo fududeeya kharashaadka iyo helitaanka dukumentiyada safarka.

- Advertisement -

Read more

Local News