26 C
Mogadishu
Sunday, December 7, 2025

Fallanqeyn: Maxaa ka run ah arrimihii uu xalay sheegay madaxweyne Farmaajo?

Bookmark
Bookmarked

Share

Hadal-heyn weyn ayaa ka dhalatay hadal kooban oo uu xalay ka jeediyay kulan casho-sharaf ah oo uu Madaxweynihii 9-aad ee JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, u sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee BFS.

Farmaajo wuxuu ka hadlay afar qodob oo muhiim ah oo aan hore looga hadlin sida:

1- Sicir-bararka maciishadda ee sare u kacay.
2- In Ciidanka Qalabka Sida aan loo kordhin mushaaraadkooda.
3- In shaqaalaha dowladda aan loo kordhin mushaaraadkooda.
4- In loo baahan yahay in heshiis degdeg ah laga gaaro arrimaha doorashada.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu muujiyey inuu yahay hoggaamiye la-dareen ah bulshada, oo xog-raadin sax ah ku sameeyey nolosha dadka, faham buuxana ka haysta sicir-bararka, xalkeedana sii raaciyey.

Xildhibaannada wuxuu tusaaleeyey inay mas’uuliyad ka saaran tahay in miisaaniyadda lagu daro kordhinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada.

Sidee loo arkay hadalka kooban ee Farmaajo?

Inta badan bulshada iyo hormuudka siyaasadda waxay u arkeen hadalka Farmaajo hadal waaqica ka tarjumaya, muujinayana in Madaxweynihii hore uu la dareen yahay bulshada, niyaddana uu ku hayo sidii xalka uu qayb uga noqon lahaa.

Waxay soo dhaweeyeen sida asluubta leh ee dowladda uu ugu sheegay in doorasho la aado, oo ay qarda-jeexa doorashada xal ka keento, lagana shaqeeyo in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda.

Yaan soo dhaweyn hadalka Farmaajo?

Kooxo abaabulan oo dowladdu ay geed-fadhi u tahay, oo dhibsaday xaqiiqada hadalka Farmaajo, ayaa iyagoon is-ogayn safkoodana soo buuxiyey koox kale oo dhisaya musharrixiin ay sii ogyihiin inaysan gudbin wareegga koowaad ee doorashada marka Teendhada la tago.

Dhammaantood waxay ku naxeen saameynta ololaha #MarkaleFarmaajo oo aan xitaa si rasmi ah u bilaaban, iyagoo is weydiinaya waxa dhici kara haddii 2% un olole ah uu Farmaajo sameeyo, sida xaal-koodu ku dambeyn doono.

Waxaa wehliya shaqsiyaad xanaaqsan oo farriimo been-abuur ah oo quuri-waa u badan loo dhiibo, ujeeddaduna tahay: “Waa joognaa ee maa naloo yeero.”

Gunaanad

Hadal xaqiiqo ah oo ka tarjumaya dareenka shacabka ayuu ahaa kalmaddii xalay uu jeediyey Madaxweyne hore Farmaajo.

W/Q: Maxamed Yuusuf Axmed 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

- Advertisement -

Read more

Local News