28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan Sheekh oo caddeeyay in uusan ka tanaasuleyn arrinta…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya ayaa caddeeyay in uusan ka tanaasuleyn wax ka beddelka dastuurka.

Arrinta wax ka beddelka dastuurka ayaa noqotay xudunta khilaafka siyaasadeed ee dalka, kaasi oo si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo u arka qorshaha wax ka beddelka dastuurka mid u xaglinaya dhinaca madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa ku dooday in dhameystirka dib-u-eegista dastuurka uu yahay hawl qaran oo fure u ah xasiloonida siyaasadeed, qeexidda awoodaha hay’adaha, hirgelinta nidaam federal iyo dib u habeynta sharciyada baahida weyn loo qabo, si ay ula jaanqaadan nidaamyada casriga ah ee dowlad dhiska, maalgashiga.

“Dastuurku isaga ayaa saldhig u ah dhammaan xeerarka dalkeenna, oo ilaalinaya afka, dhaqanka, diinta iyo xuquuq kasta oo muwaadinku leeyahay, sidaas awgeed waa inaan fulinna ballantii aan qaadnay oo uu ka baxaa kumeel-gaarnimada dastruurka lana dhameystira,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu bogaadiyay Baarlamaanka 11-aad oo uu sheegay inuu yahay kan ugu shaqada badan jamhuuriyadda 3-aad muddo xileedkan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa faray xukuumadda in ay dardar-geliso howlaha hortebinta u leh tayeynta adeegga garsoorka dalka.

Xasan ayaa sheegay in garsoor hufan oo madax-bannaan uu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowlad-dhiska, amniga, horumarka iyo xoojinta kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.

Sidoo kale wuxuu xusay in Dowladda Federaalka oo ka duuleyso arrintaas ay qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo federaaleynta nidaamka garsoorka, dhismaha hay’adaha muhiimka u ah cadaaladda, taas oo muujineyso xoojinta hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

“Garsoorkeenna inuu hormarsan yahay waxaan tusaale muuqda u ah in muwaadiin Soomaaliyeed oo fal dambiyeed lagu eedeeyey oo dalka ka baxsaday ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysto in dalka dibaddiisa ka soo qabato, iyada oo kaashanayso booliska caalamiga ah ee Interpol, kiis dacwadeedkiisana uu ka furan yahay dowlad goboleedkii uu fal dambiyeedka uu ka dhacay,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa intaas kusii daray: “Guulaha aan gaarnay waxaa ka mid ah xaqiijinta amniga caasimadda si ay ula tartanto caalamka, maalgelinta mashaariicda waaweyn oo ay ugu horreyan dhismayaasha, taas oo shaqo abuur u ah dhallinyaro Soomaaliyeed, dhismaha garoomo ciyaaro iyo diyaaradeed, kordhinta tirada ciidameenna oo labo jibaar ka badan markii aan xilka la wareegayey, tayeynta waxbaarashada dalka.”

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa adkeeyey doorka garsoorka ee dimuqraadiyadda ayaa sheegay in dalka oo u diyaar garoobaya doorashada qof iyo cod ay lagama maarmaan u tahay in la xaqiijiyo hay’ado sharci iyo garsoor oo awood u leh ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, xaqiijinta hufnaanta geeddi-socodka doorashada iyo hubinta in cod kasta lagu dhiibto si xor ah oo ammaan ah.

- Advertisement -

Read more

Local News