Puntland oo xirtay xubno ka tirsan beel shaacisay inay qaadatay shareecada

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada amniga dowladda Puntland, ayaa todobaad ka hor magaalada Gaalkacyo ka qabtay saddex nin oo la sheegay in ay abaabuleen shir ka dhacay magaaladaaasi oo looga dhawaaqay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Sida aan xogta ku helnay, shirkaasi oo lagu qabtay magac beeleed, ayaa dadkii ka hadlay waxay sheegeen in beeshoodu ay qaadatay ku dhaqanka xukunka Shareecada Islaamka, waxaana ay bulshada kale ugu baaqeen in la hirgeliyo nidaam ku dhisan Sharciga Ilaahay, sida ay hadalka u dhigeen.

Saddexda nin ee loo xiray in ay abaabuleen shirkaasi, ayaa magacyadooda lagu  sheegay ganacsade Maxamed Yaasiin Caabbi, nabaddoon Deeq Cabdi Cabdulle iyo sheikh Siciid Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid ah imaamyada caanka ah ee masaajidda magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka amniga ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xubnahaasi u wareejiyay Xabsi ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Puntland wali si rasmi ah ugama hadlin xarigga loo geystay, Culimada,Ganacsatada iyo waxgaradka laga xir xiray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com