Ciidanka kumandooska oo Dhuusamareeb la wareegay iyo Kheyre oo ku wajahan

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Maanta ayaa la filayaa in Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ahna Xarunta Maamulka Galmudug inay gaaraan Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa Dhuusamareeb gaarayu Wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa,waxaana Maanta safarka Ra’iisul Wasaaraha looga dareemayaan Magalada Dhuusamareeb.

U jeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay xaaladaha ka taagan Maamulka Galmudug iyo Go’aan ka gaarista sida ay ku dhici laheyd 4-da Bisha soo socota ee Kuly doorashada Maamulka Galmudug.

Waxaa Maanta siweyn loo adkeeyay Ammaanka Magalada dhuusamareeb,waxaana amaanka sugaya Ciidamada Maamulka Galmudug oo lagu xoojiyay Ciidamada DANAB ee xoogga dalka soomaaliyeed,kuwaas oo dhawaan la geeyay Magalada Dhuusamareeb.

Ciidamada ayaa baaritaano waxaa ay ku sameynayaan Gaadiidka isticmaalaya Xaafada Magalada Dhuusamareeb iyo kuwa soo gaya Magaaladaas,waxaana jira diyaar garoow ku aadan qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayan in Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka iyo Sanotero ay tagaan Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud si xal looga gaaro xaaladaha Galmudug.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com