Puntland oo xukun ku riday shabakad dilal iyo qaraxyo ka geysan jirtay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dawacwadda shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Ugu horreyn xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada ka hor akhrisay gal-dacwadeedka laga diyaariyay eedeysanayaasha oo 4 ah iyo caddeymaha loo hayo kiiskooda.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fursad siisay, isla-markaana dhageysatay dooda qareennada difaacaya eedeysanayaasha iyo falcelintooda ku aadan gal-dacwadeedka lasoo gudbiyey.

Intaasi kadib Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday shabakaddan oo ka kooban 4 nin, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay maxkamaddu.

Afarta nin ee la xukumay ayaa kala ah:- Jaamac Aaden Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaavi Salaad Boos, Maxamud Abshir Muuse iyo Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor oo maqane ah.

Sida uu maxkamadda ka hor sheegay Dhame Cali Ibraahim Cismaan oo ku dhawaaqay go’aanka waxaa dil toogasho ah lagu xukumay afarta nin, wuxuuna shaaciyey in baaris dheer, kadib lagu helay dembiga lagu soo eedeeyey, kaas oo caddeymo sugan loo helay.

Raggan afarta ah ayaa lagu eedeeyey in qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay k fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso oo muddo fara badan ay ka howlgalayeen.

Puntland ayaa horey sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay xubno ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ka howlgalayey magaalooyinka maamulkaasi.