Puntland oo xukun ku riday dhallinyaradii kufsiga ka gaystay Gaalkacyo (Aqri)

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xukun ku riday shan ruux oo dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen fal kufsi ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Shanta ruux ee la xukumay ayaa la sheegay inay kufsi wadareed ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana lagu xukumay dhamaantood dil toogasho.

Kiiskaan maanta xukunka laga gaaray ma ahan mid la xiriira kiiskii Caaisha Ilyaas, balse waa kiis kale oo ka horeeyay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda Puntland ayaa Eedeeysanayaasha ku xukuntay Dil Toogasho ah, isla markaana waxaa Taliyaha Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe lafaray in uu Xabsiga ku sii haayo Eedeeysanayaasha.