PUNTLAND ‘oo yeelaneysa’ awoodda dowlad madax-banaan hal sabab darteed

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland oo xalay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka ayaa sheegtay inay yeelaneyso awoodda dowlad madax-banaan.

Hoggaanka Puntland oo meel adag iska taagay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ayaa ku doodaya inay awood u leedahay inay u dhaqanto sidii dowlad madax-banaan illaa inta laga helayo dastuur federaal ah oo heshiis lagu yahay, oo loo qaado afti dadweyne.

“Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax-bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shir deg deg ah oo xalay ay yessheen Golaha Wasiirrada Puntland.

Maamulka ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu buriyey dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee isaga lagu doortay laguna dhaariyey, sidaasi darteedna uu lumiyey sharciyadii dastuuriga aheyd ee madaxweynanimo, sida uu sheegay hoggaanka Puntland.

“Dowladda Puntland waxay si toos ah ugala xaajoonaysaa beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Puntland.

Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso oo wada-shaqeyn la yeelaneyso cid kasta oo aqoonsan, kuna dhaqmeyso dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee la ansixiyay 1-dii August 2012-ka.

Si kastaba, Go’aannada Puntland ayaa ah kuwa ay uga jawaabeyso tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya, ee uu ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka dalka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia.