Sideedda marxalad ee xiriirka Imaaraatka iyo Soomaalida – Waxaa qoray Fahad Yaasiin

Soddonkii sano ee ina dhaafay xiriirka Imaaraatka iyo Soomaalidu marxalado kala geddisan ayuu soo maray.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐢𝐢 𝟏𝐚𝐚𝐝: Daneyn la’aan ay weheliso inyar oo kaalmo bani’aadanimo ah iyo fududeynta dhaqdhaqaaqyada ganacsi. 𝟏𝟗𝟗𝟏/𝟐𝟎𝟎𝟎.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟐𝐚𝐚𝐝: Danayn la’aan ay la socoto in colaadda Soomalida dhexdooda fursad ay kusii dabadheeraato la siiyo. Waa niyad xumi ku dhisan in dagaalka sokeeyo sii jiitamo. 𝟐𝟎𝟎𝟏/𝟐𝟎𝟎𝟔.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟑𝐚𝐚𝐝: Bixinta miisaaniyada duullaankii uu soo qaaday nidaamkii Tigreega ee salka ku hayey duminta Maxkamadihii Islaamiga ahaa.  𝟐𝟎𝟎𝟕/𝟐𝟎𝟎𝟗.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟒𝐚𝐚𝐝: Waa bilaabashadii faragelinta tooska ah ee arrimaha siyaasadda dalka.

𝟐𝟎𝟏𝟎/𝟐𝟎𝟏𝟒.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟓𝐚𝐚𝐝: Kala irdhayntii umadda Soomaaliyeed iyo iska horkeenka Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe. Sidoo kale, curintii fitno ka dhex alooska madaxda ugu saraysa dalka ee heer Federaal.

𝟐𝟎𝟏𝟒/𝟐𝟎𝟏𝟔.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟔𝐚𝐚𝐝: Isku daygii duminta dowladnimada iyadoo Caasimadda laga abaabulayo dagaallo sokeeye, isla markaana layska horkeenayo maamullada gobolada iyo dowladda dhexe. 𝟐𝟎𝟏𝟕/𝟐𝟎𝟐𝟐.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟕𝐚𝐚𝐝: Dib u burburintii iyo Kala daadinta ciidanka qaranka iyo kala dhantaalida wada jirka qaranka iyadoo la adeegsanayo wakiillo idman oo dowladda ku dhex jira.

𝟐𝟎𝟐𝟐/𝟐𝟎𝟐𝟔.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟖𝐚𝐚𝐝: Dib usoo kabashada iyo ka dhex saarista Imaaraadka ee arrimaha dalka, iyadoo laga duulayo fahamka iyo baraaruga dadweynaha, isla markaana la kaashanayo garaad-wadareedka bulshada. 

𝟐𝟎𝟐𝟔/𝟐𝟎𝟑𝟏.

𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝:

Mashruuca Imaaraatka ee Soomaaliya waa guur isku danaysi ku qotoma oo dhexmaraya qaswade doqon ah oo ka arradan garashada iyo hal abuurka, awoodna aan u lahayn inuu gaaro wax natiijo ah iyo mid nacas ah oo nacfi u leh, aanan lahayn wax sariigasho ah, una nugul shisheeyaha!

W/Q: Fahad Yaasiin, agaasimihii hore ee NISA.