Rejada madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka kadib tallaabadii dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku guuleystay inuu labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ka ansixiyo afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.

Cutubyada la meel-mariyay ayaa dano gaar ah oo badan uga dhex jireen Villa Somalia, si gaar ah doorashada, xisbiyada, awoodda ra’iisul wasaaraha iyo muddo xileedka.

Meel-marinta dastuurka ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo ayagu qaadacay ansixinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka, oo shalay si aqlabiyad loogu coddeeyay.

Haddaba, waa maxay rejada mucaaradka kadib natiijaddii shalay kasoo baxday BF?

Siyaasiyiinta mucaaradka oo habraacii hore iyo ansixintii shalay looga adkaaday ayaa hadda ku doodaya inay adkaan doonto inuu Xasan Sheekh dhaqan-geliyo qorshihiisa dastuurka.

Waxay kale oo ay sheegayaan inuu dalka u baahan doono shir dib u heshiisiin qaran, sida muuqatana waa rejada xilligaan ee madaxdii hore iyo mucaaradka.

Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo horey loogu awood sheegtay baarlamaanka, ayaa rejo ka qaba in uusan dhaqan-gal rasmi ah noqon doonin dastuurka shalay la meel-mariyay, xilli ay weli dhiman yihiin cutubyo badan oo dastuurka.

Sidoo kale, dhinacyada durba la saadaalinayo inuu culeys ka imaan doono waxaa kamid ah dhinaca maamul goboleedyada la safan madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasi oo u baahan doona in go’aan laga gaaro doorashooyinkooda.