“Puntland waa caqabada ugu weyn ee Somalia haysata” waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka Soomaaliya,taasoo daba socotay heshiiskii ka dhacay Villa Somalia ee lagu dhisaayay maamul loo sameeyo gobalada dhexe, waxaa soo baxaya eedeemo loo jeedinaayo maamulka Punland.

Cabdelle Boos Axmed waa mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu sheegay in maamulka Puntland iyo madaxweynahooda ay caqabad ku yihiin Soomaaliya oo dhan wuxuuna sheegay nidaamka fedaraalka in fitno ku yahay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Cabdiweli Gaas uu ka mid ah dadkii sameeyay nidaamka fedaraalka isagana uu ka mid ahaa in dalka laga dhigo mid jiko jiko ah sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale Cabdelle Boos in Puntland aaney waxbo ka awood badneen ama aaney dhaamin maamulada kale ee ka dhisan dalka.

Hadalka xildhibaan Cabdelle Boos Axmed ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxweynaha maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in maamulkiisa uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka isla markaana xubnaha ugu jira baarlamaanka uu ku amray in ka soo baxaan magaalada Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa qoonsaday heshiis Arbacadii hore ka dhacay xarunta Villa Somalia kaasoo la sheegay in lagu dhisaayo maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com