KHALIIF EREG oo lagu dheggan yahay iyo kulan Muqdisho ka dhacaya (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online)-Xilli maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho lagu aasay meydka marxuum Sheekh Aadan Madeer oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka oo shaley lagu dilay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa billowday in wasiirka ammaanka lagala xisaabtamo dilalka lagu hayo xildhibaannada baarlamaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka baarlamaanka Soomaaliya Daahir Amiin Jeesow oo ka qeybgalaayay aaska loo sameeyay marxuum Madeer ayaa sheegay in guddigooda uu berri la kulmi doono wasiirka amniga Khaliif Axmed Irig.

Wuxuu sheegay in marnaba aaney cabsi galin doonin dilalka lagu hayo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya isagoona intaas ku daray in booska u baneeyay xildhibaanka la dilay ay soo buuxin doonaan.

KHALIIF IRIG oo lagu dheggan yahay iyo kulan Muqdisho ka dhacaya
KHALIIF IRIG oo lagu dheggan yahay iyo kulan Muqdisho ka dhacaya

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumadda aan laga yeeli doonin in la iska dilo xildhibaannada kuwa dilana ay iska marmaraan magaalada.

Waxaa soo badanaya walaaca ay muujinayaan xildhibaannada baarlamaanka kuwaasoo noqday bartilmaameed joogta ah, maadama muddo 7 bilood ah magaalada lagu dilay shan mudane.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonto falalka ammaan darida ee ka taagan magaalada balse arrintaas wali ma ahan mid maaro loo helay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com