GAL-MUDUG oo ku biirtay dhinacyadii Qaadacay heshiiskii VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Sabti ah ka dhacay kulan ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmaudug iyo siyaasiyiin caan ah oo ka soo jeeda deegannada uu ka arrimiyo maamulkaas.

Waxaa kulanka looga dhawaaqay in maamulka Galmudug uu qaadacay heshiiskii 30-kii bishii hore ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kaasoo lagu sheegay in la sameenaayo maamul lagu mideenaayo maamulada ka dhisan gobalada dhexe.

Ugu horeyn dadka ka hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug ee dhinaca Galmudug, Maxammuud Guure Guuleed, wuxuu sheegay in dhinacyadii ka qeybgalay shirkaas aaney matalin dadka ku dhaqan gobalada dhexe.

Wuxuu sheegay oo kale in heshiiskaas uu ahaa mid la doonaayay in lagu gol dilaaciyo dedaalo ay wadeen dadka deggan gobalada dhexe kuwaasoo rabay in ay dhistaan maamul ay ku mideesan yihiin.

Wuxuu sheegay in heshiiska ay garwadeenka ka tahay dowladda uu yahay mid lagu car qaladeenaayo shirarka looga hadlaayo maamul mideesan oo loo sameeyo gobalada dhexe sidda uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug garabka mucaaradsan Cabdiqeybdiid, Cali Cabdi Tooye , wuxuu sheegay in heshiiskaas aaney taageesaneen maamulka Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay  in isagoo ku hadlaya magaca Galmudug ay ka soo horjeedaan heshiiskaas isla markaana dowladda iyo Beesha caalamka ay ku qaldaneed in ay heshiiskaas goobjoog ka noqoto

Si kastaba, waxaa soo badanaya dhaliilaha loo jeedinaayo heshii 30-kii bishii hore ka dhacay Villa Somalia kaasoo la sheegay in lagu dhisaayo maamul lagu mideeyo gobalada dhexe, waxaana heshiiskaas  goob ka ahaa madaxda dowladda iyo beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com