XOG: Ahlu-Sunna oo laba u kala jabtay

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) – Wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in laga heshiiyay maamul loo dhiso gobalada dhexe, waxaa soo badanaya mucaaradada uu la kulmaayo heshiiskaas.

Sidda lagu sheegay goobta lagu saxiixay heshiiska maamul loogu sameenaayo gobalada dhexe oo ahayd Villa Somalia waxaa goobjoog ka ahaa Galmudug, Ahlu Sunna iyo Ximin iyo Xeeb, balse waxaa soo baxay jahwareer iyo khilaaf uu dhaliyay heshiiskaas.

Khilaafkaas waxaa ka mid ah in maamulka Ahlu Sunna ay labo qeyb u kala jabeen, waxaa qeyb ka mid ah maamulkaas uu taageeray heshiiska ay garwadeenka ka ahayd dowladda Soomaaliya halka kuwa kalena ay ka soo hor jeesteen.

Maanta oo Sabti ah waxaa magaalada Dhuusamarreeb ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo heshiiska ka dhacay magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu Sunna, waxaana, dalka ka hadlay goobta ka mid ahaa Sheekh Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow wuxuu sheegay in heshiiskaas uu abuurayo khilaaf iyo dagaal hor leh oo dhex mara dadka deggan gobalada dhexe.

Wuxuu sheegay in heshiiskaas uu dhabarka ka jibinaayo dedaaladii ay soo waday Ahlu Sunna ee ku aadan midnimada dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa deggan gobalada dhexe.

Waxaa soo badanaya mucaaradada uu la kulmaayo heshiiska lagu gaaray xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxaa horrey heshiiskaa u diidday maamulka Ximin iyo Xeeb.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusamarreeb

Caasimada@live.com