SAWIRRO: Xildhibaannadii Puntland oo ka baxay Xamar, yeelay amarka GAAS

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow Magaalada Garoowe, kasoo degay diyaarad ay saarnaayen  Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo kasoo jeeda Deegaanada Puntland.

Xildhibaanadaani oo goor dhow ka soo ambabaxay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay soo gaaren Magaalada garoowe, si ay u fuliyaan hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne C/weli Gaas oo ahaa in Xildhibaanada Maamulka Puntland uga jiro Baarlamaanka Dowlada ay kusoo laabtaan Deegaanadooda.

Xildhibaanadaani oo ka jawaabaya hadalka Madaxweyne Gaas, ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Maamulka Puntland oo u badnaa wasiiro iyo Xildhibaano.

Xildhibaanada ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho kaga soo duuleen diyaarad gaar ah oo uu bixiyay Madaxweynaha Puntland.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu shaaciyay inay la laabteen Kalsoonidii kala dhexeysay Dowlada Federaalka, sheegayna inay jareen xiriirkii kala dhexeeyay, waxa ayna arintaani muujineysaa in xiriirka labada dhinac uu u muuqdo mid si rasmi ah u kala go’aya .

1 2 3 4 5 6

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

caasimada@live.com