PUTIN oo booqasho lama filaan ah ku tagay Ukraine

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Mariupol, sida ay maanta wariyeen warbaahinta dalkaasi.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Putin uu booqdo magaaladan ay ciidankiisu qabsadeen kadib muddo dheer ay go’doomiyeen bilowgii weerarka Moscow ee Ukraine.

Safarkan ayaa yimid kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, oo loo haysto in Ruushku uu kumannaan carruur ah oo u dhashay Ukraine uu dalkaasi ka masaafuriyay intii uu duullaanku socday.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TASS, Putin ayaa Sabtidii diyaarad helicopter ah ugu duulay Mariupol, wuxuuna kusoo wareegay magaalada, mararka qaarna wuxuu watay baabuur.

Goobo dhowr ah ayuu booqday oo uu la hadlay dadka deegaanka, waxaana la siiyay warbixin ku saabsan dib u dhiska magaalada.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Jimcihii ku dhowaaqday inay soo saartay amar soo xiritaan oo ka dhan ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Maria Lvova-Belova, oo ah wakiilka madaxweynaha Ruushka ee xuquuqda caruurta, oo iyana loo haysto eedyemo lamid ah kuwa Putin.

Ruushka xubin kama ahan ICC. Ma cadda sida ay ICC u qorsheyneyso inay u dhaqan-geliso amarka.

“Maanta, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada waxay soo saartay waaran lagu soo xirayo laba qof oo la xiriirta xaaladda Ukraine: Mr Vladimir Vladimirovich Putin iyo Ms Maria Alekseyevna Lvova-Belova,” ayay ICC ku tiri bayaan ay soo saartay.

“Waxaa jira sababo macquul ah oo lagu aamino in Mr Putin uu qaadayo mas’uuliyadda shakhsi ahaaneed ee dambiyada aan xusnay,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka ICC.

ICC ayaa sheegtay in dambiyada ay soo billowdeen 24-kii Febraayo 2022, markaasi oo Ruushka uu ku duulay Ukraine.

Putin ayaa la tuhunsan yahay inuu si toos ah mas’uul uga ahaa ficilladan iyo “inuu ku guul dareystay inuu si sax ah uga xakameeyo dadka rayidka ah iyo kuwa milatariga ah ee ka hooseeya dambiyada ay gaysteen ama oggolaaday inay gaystaan.”

Moscow ayaa ku gacan sayrtay go’aanada ICC, kuna tilmaamtay “inaysan wax macno ah la hayn.”

“Go’aanada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) wax macno ah kama lahan dalkeena, oo ay ku jirto marka laga eego dhanka sharciga,” waxaa sidaas tiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka Maria Zakharova.