PUTIN oo ka dhabeeyey ballan-qaadkii Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ka dhabeysay mid ka mid ah ballan-qaadyadii gargaar ee madaxweyne Vladimir Putin, ayada oo Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee hela, waxaa sidaas sheegtay dowladda Soomaaliya.

Markab xamuul oo sida shixnad gargaar oo gaareysa 25,000 oo tan oo haruur ah ayaa iman doona Soomaaliya maalmaha soo socda, sida uu sheegay safiirka Ruushka ee Jabuuti Mikhail Golovanov, sidoo kalena qaabilsan Soomaaliya.

Mikhail Golovanov, ayaa Sabtidii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka hor imaanshaha shixnadaha, si uu u soo gaarsiiyo dowladda Soomaaliya farriinta raashinka mucaawinada ah.

Xukuumadda Moscow ayaa ballan qaaday inay gargaar cunto ah siinayso dalalka Afrika, taasi oo qayb ka ah heshiiskii uu madaxweyne Vladimir Putin kaga dhawaaqay shirkii Ruushka iyo Afrika ee bishii July ka dhacay magaalada St. Petersburg.

Horaantii bishan, wasiirka beeraha ee Ruushka Dmitry Patrushev ayaa sheegay in laba shixnad oo haruur bilaash ah ay u ambabaxeen Burkina Faso iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in horaanta bisha soo socota ay gaari doonaan labada dal.

Shixnado dheeri ah oo ku socda Eritrea, Zimbabwe, Mali, iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa la qorsheeyay inay yimaadaan dhammaadka sanadka.

Sida uu sheegay Patrushev, ilaa 200,000 oo tan oo haruur ah ayaa la geyn doonaa lixda waddan ee Afrikaanka ah ee ay soo food saartay cunto yarida.

Qabanqaabada bixinta haruurka bilaashka ah ee wadamada Afrika ayaa la sameeyay kadib markii Moscow ay diiday inay cusbooneysiiso Hindisaha Haruurka ee Badda Madow.

Heshiiskan ayaa waxaa markii hore garwadeen ka noqday QM iyo Turkey bishii July 2022, waxaana loogu talagalay in lagu fududeeyo dhoofinta haruurka Ukraine ee loo dhoofiyo suuqyada caalamka, gaar ahaan dalalka saboolka ah, taasi oo Moscow ay ku beddelaneysay in laga qaado cunaqabateynta reer galbeedka ee ka hortagayey dhoofinta wax soo saarka beeraha Ruushka.

Moscow ayaa ka baxday heshiiska bishii Luulyo, iyada oo ku eedaysay waddamada reer galbeedka inay sii wadaan inay adkeeyaan dhoofinta maraakiibta cuntada iyo bacrimiyayaasha Ruushka.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyay ee lasiiyo deeqdan raashinka ah tan iyo markii uu billowday qorshahan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Sabtidii, dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay xukuumadda Moscow kaalmada ay siisay, ayada oo sheegtay inay ka faa’ideysan doonaan kumanaan qoys.